Masar: Caro ka dhalatay saxafi ku baaqay in la cuno hilibka faraska
QAAHIRA, Masar - Daadihiyaha barnaamij ka baxa teleshin maxali ah oo la aaminsan yahay in uu u jaranjeera dawlada Masar ayaa kiciyay falcelin rarro leh taasoo baraha bulshadda dalkaas ka ooggan tan iyo hadalkiisii Arbacada todobaadkii lasoo dhaafay.
Saxafiga ayaa ku dhiirigeliyay muwaadiniinta lacagta caddaanka ah haysta inay cunaan hilibka fardaha iyo dameeraha isaga oo si maad ah ugu andacooday "in ay leeyihiin caafimaad badan".
"Maxaynu u cuni waynay hilibka dameeraha iyo fardaha, waxaa lagu iibiyaa oo laga cunaa wadamo badan," ayuu 8-dii Maarso yiri Tamer Amin oo ah tabiyaha barnaamijka Akher al-Nahar ee telefishinka Al-Nahar.
Amin ayaa ku daray hadalkiisa: "Hilibka farasku aad buu u caafimaad badan yahay, waana badbaado badan yahay, waxaana aaminsanahay in aanay diin ahaan mamnuuc ahayn".
Dhawaqiisa ayaa yimid maalin ka hor inta aysan hay'adda tirakoobka ee Masar ku dhawaaqin in sicir-bararka macaamiisha magaalooyinka uu gaaray heerkii ugu sarreeyay shan sano iyo bar - 31.9 boqolkiiba.
Hadalkan ayaa waxaa dhaleeceeyay culumaa’udiinka, waxayna ku nuux-nuuxsadeen in dameeraha iyo hilibka fardaha ay yihiin “xaaraam” ama in shareecada Islaamka ay mamnuucday.
Qiimaha cuntada iyo badeecooyinka aasaasiga ah, oo u badan kuwa dibadda laga keeno, ayaa wax ka badan laban-laabmay tan iyo markii lacagta Pound-ka Masar la dhimay bilowgii sanadkan.
Talaabadan ayaa timid kadib markii Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ansixisay in la sii daayo Qaahira bishii Diseembar, waana heshiiskii saddexaad tan iyo markii Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi uu xukunka kula wareegay afgambi militari 2013-kii.
GAROWE ONLINE