Maxaabiis ka baxsatay xabsi aad loo ilaaliyo oo la khaarijiyey

Image
Labo ka mid ah ayaa horey loogu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena ay ahaayeen kuwa maxkamad sugayaal.

NOUAKCHOTT, Mauritania - Dowladda Mauritania ayaa Sabtidii sheegtay in saddex maxbuus oo ku eedeysanaa argagixisanimo kuwaasoo bishii hore ka baxsadey xabsi lagu dilay howlgal la doonayey in lagu soo qabto.

"Saddex argagixiso ayaa la dilay halka kii afraadna lagu soo qabtay howlgalka," ayay wasaaradda gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Saddexdan maxbuus ayaa qayb ka ahaa afar xukumanayaal ah kuwaasoo amaankooda aad loo sugayey kuna jiray xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Nouakchott.

"Hal sarkaal oo ahaa mid ka mid ah geesiyaasha ciidamada kala duwan ayaa ku shahiidey howlgalka," ayay raacisay wasaaradda. Hawlgalka ayaa lagu waramay in uu ka dhacay dhulka saxaraha ah ee Adrar.

Dawladda Mauritania waxay sheegtay in hawlgalkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada cirka iyo dhulka taasoo keentay in argagixisadu ay ku helaan dhul buuraley ah.

Labo ka mid ah maxaabiista ayaa la sheegay in lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena ay ahaayeen kuwa maxkamad sugayaal oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin urur argagixiso.

Laga soo bilaabo sanadkii 1987, Mauritania ma dhaqan gelin ciqaabta dilka toogashadda. Mauritania waxaa si joogto ah loo beegsaday weeraro argagixisanimo 2000-meeyadii wallow ay hoos u dhaceen sanadihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM