Midowga Yurub oo hakiyey malaayiin uu siin lahaa Itoobiya
ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Yurub [EU] oo joojiyay ku dhowaad 90 milyan oo gargaar ah oo uu siin lahaa Itoobiya sababo la xiriira walaaca laga qabo khilaafka ka taagan gobolka waqooyiga dhaca ee Tigray ayaa shaaciyey in shuruudihiisa ku aadanaa wareejinta lacagaha aaney buuxin xukuumadda Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed.
Af hayeen u hadlay EU ayaa telefishinka DW u sheegay: "Waxaan u baahanahay inaan aragno shuruudo gaar ah oo ay fulineyso dowladda Ethiopia oo ku aadan taageerada miisaaniyada ee EU-da in ay dib u bilaabato."
Shuruudaha waxaa ka mid ah: fursad aan xad lahayn oo la siiyo shaqaalaha samafalka, dejinta qaxootiga wadamada deriska ah, joojinta siyaasadaha ku saleysan qowmiyadda iyo hadalada naceybka ah, iyo soo celinta khadadka isgaarsiinta iyo marinka warbaahinta ee guud ahaan gobolka Tigray.
"Sidaa awgeed, Midowga Yurub wuxuu doonayaa joojinta colaadaha, baaritaannada ku aaddan xadgudubyada xuquuqda aadanaha, iyo marin u helidda gobolka ee saxafiyiinta iyo shaqaalaha bani'aadamnimada, ayuu afhayeenka ku daray hadalkiisa.
Qiyaastii 60 milyan oo ka mid ah taageerada miisaaniyadda ayaa loo qoondeeyay kor u qaadista isu socodka iyo saadka ee dalalka xuduudaha la leh Itoobiya, halka inta soo hartay loo qoondeeyay in lagu xoojiyo waaxda caafimaadka.
Hakinta lacagahaas ayaa, si kastaba ha ahaatee, calaamad u ahayn dhammaadka barnaamijyada bani'aadamnimo ee Midowga Yurub.
Sikastay ahaato, sidda looga hadlay shirkii Golaha Amniga ee Isniintii, inta badan ururada samafalka ayaa laga horjoogsaday inay galaan aagga. Ilaa hadda, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waa mid ka mid ah hay'adaha faro ku tiriska ah ee bani'aadamnimada ee loo oggolaaday gelitaanka magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray.
Asbuucii la soo dhaafay, waxaa la soo sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen koox ka socota gargaarka bani'aadamnimada ee Qaramada Midoobay. Tani waxay timid maalmo un kadib markii dowlada ay ku dhawaaqday dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigreega "lasoo gabagabeeyay" isla markaana loo ogolaaday kooxaha iyo ururada samafalka inay soo galaan gobolka.
Qaramada Midoobay ayaa 32 tan oo gargaar deg deg ah u dirtay dalka, oo ay ka mid yihiin bustayaal, laambadaha cadceeda ku shaqeeya, maro kaneecada, daaqado, iyo duubab caag ah.
Sikastaba, wararkii ugu dambeeyay ee ku geedaaman kolonyada UN-ka ayaa tilmaamaya in la xanibay in raashin, dawooyin iyo noocyo kale oo gargaar ah la geeyo gobolka Tigray.
Toddobaadkan, xaaladdu waxay umuuqataa in xoogaa la qaboojiyey. Khadadka isgaarsiinta ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Mekelle. Intaa waxaa dheer, kolonyo gaadiid bini'aadamnimo ah ayaa loo oggolaaday in ay galaan, iyada oo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) uu soo wariyey in ay gaarsiiyeen 570 metrik tonnes oo cunto ah.
Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ku qiyaastay in ugu yaraan 1.1 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bina-aadamnimo oo ka jirta gobolka aad u saboolka ah iyo in ku dhowaad 600,000 oo qof ay horey ugu tiirsanaayeen gargaarka cuntada. Xaaladdaan waxay kasii dartay markii in ka badan 950,000 qof ay ku barakaceen gudaha waddanka Itoobiya sababbo la xiriira isku dhaca udhaxeeya dowladda iyo ciidamada Tigreega.
Marka laga soo tago muwaadiniinta Itoobiyaanka ah, colaadda ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay qaxootiga Eritrea. Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa xustay in tiro "aad u badan" oo Eritrean ah oo ku sugan Tigray ay "wajahayaan afduub iyo dil, xoogna loogu celinayo" Eritrea. Waxaa lagu qiyaasaa inay ku sugan yihiin Tigray qoxooti dhan 96,000.
Khilaafka hadda jira ayaa markii ugu horeysay soo ifbaxay 4-tii Nofeembar, markii Ra'iisul Wasaare Abiy uu bilaabay hawlgal militari oo ka dhan ah kooxda TPLF oo lagu eedeeyay inuu weeraray laba xero militari oo ku taal waqooyiga iyo in guud ahaan la doonayo in la wiiqo xukunka dimoqraadiga ah ee dalka.
TPLF, dhinaceeda, waxay sheeganeysaa inay kaliya la dagaalameyso talaabooyinka Abiy Axmed ee ku aadan dhisida nidaam dowladeed oo "hal meel ku uruursan si loo badalo nidaamka federaalka ee hadda jira".
Ugu dambeyntiina, khilaafku saameyn kuma yeelan oo keliya Itoobiya, laakiin wuxuu saameeyay waddamada deriska ah. In ka badan 50,000 oo Itoobiyaan ah ayaa durbaba u tallaabay dhinaca Suudaan. Waxaa lagu qiyaasaa in ugu yaraan 160,000 oo qof ay ka tahriibi karaan Itoobiya lixda bilood ee soo socota.
Cadaawadda sii socda ee ay wajahayaan kooxaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee bixinaya gargaarka aadka loogu baahan yahay, nasiib daro, waxay warbixinadu soo jeedinayaan in ay sii kordhin karaan tiradda hadda la saadaalinayo ay tahriibi karaan taas oo la macno ah in baahi loo qabo in meesha ka baxdo caqabadaas wali taagan.
GAROWE ONLINE