ONLF oo cambaareysay "tacadiyo loo geystay" saxaafada Jigjiga

Image
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ayaa maamulka degaanka ku eedeysay "in uu caburinayo codka shacabka".

JIGJIGA, Somali Galbeed - Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa ka dhiidhisay wax ay ku tilmaantay "xad-gudubyo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda ee ka howlgasha deegaanka Soomaalida".

ONLF ayaa xustay "in haddii la yareeyo saxaafaddu ay khatar ku noqon doonto dimuqraadiyadda, kana soo horjeeda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo sharciyada kale ee dalka u yaalla".

Ururkan oo sanado kahor xisbi loo diiwaan-geliyey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida ay wax u socdaan, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in arrimuhu ay sii kordhiyeen cabudhinta xorriyadda saxaafadda ee ka jirta deegaanka Soomaalida, taasoo sida uu xisbigu sheegay “Saamayn xun ku leh Saxaafadda iyo iyo xaqa helida macluumaadka".

Ilaa hadda waxaa la sheegay in deegaanka Soomaalida laga mamnuucay 13-ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan, taasoo keentay in dad shacab ah oo u ololeynayay xoriyadda ay cambaareeyaan.

Ma cadda sababta ay mas'uuliyiinta maamulka Jigjiga ay dabada uga riixayaan in xayiraadda lagu soo rogay warbaahinta kala duwan ee u qaabilsan wararka gobolka.

Mamnuucida lagu soo rogay warbaahinta ayaa sida ay sheegtay ONLF "waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay warbaahintu baahiyeen sida ay dowladdu u dayacday xaaladda abaareed ee sii socota iyo fadeexadaha musuqmaasuqa ee sii kordhaya".

Gobolka ayaa bartilmaameedsanaya xarumaha warbaahinta madaxa banaan. Ururka ONLF waxay mudo dheer u taagneyd xoriyada iyo dhul dimuquraadiyadeed oo ka hanaqaada gobolkan dariska la ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM