Qaraxyo khasaaro sababay oo ka dhacay magaalada Bujumbura

Image
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Twitter-ka ku sheegtay in weerarada ay ka dambeysay "argagixiso aan la aqoonsan".

BUJUMBURA, Burundi - Qaraxyo sababay dhimashada ugu yaraan shan qof iyo dhaawaca 50 kale oo ka dhacay magaalada ugu weyn Burundi ee Bujumbura habeenimaddii Isniinta todobaadkan aan ku jirno.

Ra'iisul wasaaraha iyo shaqaale caafimaad ayaa xaqiijiyey dhacdooyinkan oo qeyb ka noqonaya weeraro is xigxigay oo muddooyinkii dambe ka dhacayay waddanka ku yaal bariga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in "argagixiso aan la aqoonsan" ay mas’uul ka yihiin. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarada bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Laba qarax oo bam gacmeed ayaa lagu dhuftay goob baabuurta la dhigto oo ku taalla bartamaha magaalada, sida ay sheegeen toddoba goobjooge, halka qaraxa saddexaad uu ku dhacay suuqa Jabe ee xaafadda Bwiza, sida uu sheegay goobjooge kale.

Nin saarnaa bas uu ku qarxay bam gacmeed ayaa sheegay inuu arkay meydada saddex qof oo ay ku jirto haweeney. "Qaraxa ayaa ka dhaawacmay lugta," ayuu u sheegay Reuters isagoo sugaya daaweyn.

"Waxaan arkay dad dhinac walba u ordaya, qaar u gurguuranaya si ay u helaan dabool," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta qaraxa labaad ka dhacay oo ah meel baabuurta la dhigto.

Mar uu booqday dhaawacyada isbitaalka ku jira, ra’iisul wasaare Alain-Guillaume Bunyoni ayaa xusay in weerarrada ay ku dhinteen afar qof, wuxuuna ballanqaaday in dowladda ay caawin doonto kuwa dhaawacmay.

Axaddii asbuucan ayay ahayd markii weerar bambaano oo ka dhacay caasimada maamulka ee Gitega ay sababeen dhimashadda laba iyo dhaawaca tirro kale, sida ay kusoo warantay warbaahinta maxaligan ee waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM