Raila Odinga oo dowladda William Ruto ku tilmaamay "sharci darro"

Image
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa shaaca ka dhigay in aysan aqoonsan doonin maamulka madaxweynaha xilka haya.

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo ay soo xigatay wakaaladda Reuters, ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay iska caabiyaan dowladda madaxweyne William Ruto.

Odinga oo looga adkaaday doorashadii ugu dambeysay ee qabsoontay sanadkii lasoo dhaafay ayaa sheegay in "la xaday sharciyaddii codeyntii ay u dareereen dadweynaha Kenya bishii August".

Isbaheysiga Kwanza ee uu hoggaamiyo Ruto ayaa guul dirqi ah ka gaaray Odinga, waxaana guushiisa ay taageertay maxkamadda sare, wallow mucaaradka ay ka hor-yimaadeen.

Labada hoggaamiye oo tobanaan sano ku gacan-sareeya dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Dhexe ayaa aad isku-xakameeyay intii uu socdey ololaha wallow ay hawada isku-mariyeen eedeymo.

Ruto iyo Odinga ayaa ku dadaalay xasilloonida ka dib tartankii doorashada, laakiin isbahaysiga Odinga waxa u sheegay toddobaadkii hore inay heleen caddaymo cusub oo "wax isdabamarin ah".

"Ma aqoonsan karno, mana aqoonsan doono maamulka Kenya Kwanza, waxaana u aragnaa xukuumadda Kwanza mid aan sharci ahayn," ayuu Odinga ka sheegay banaanbax dhacay Isniinta maanta ah.

Ruto, oo sheegay in go’aanka maxkamadda sare uu caddeeyey guushiisa, ayaa waxa uu Odinga ku eedeeyay inuu maleegayo inuu dumiyo maamulkiisa isagoo ku baaqay dibadbaxyo.

Codbixintii qabsoontay bishii Ogosto ee sanadkii hore 2022-kii ayaa si dhow isha loogu hayey iyadoo ay ugu wacan tahay muranno ka dhashay tartamo hore oo horseeday dhiig daata.

In ka badan 1,200 oo qof ayaa lagu dilay doorashadii 2007 ka dib, 2017, in ka badan 100 qof ayaa la dilay kadib markii maxkamadda sare ay laashay natiijadii ugu horreysay sababo ku aadan "khaladaad".

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM