Rasaas lagu furay qaxooti Soomaali ay ku jiraan

Image
Libya ayaa ku jirtay qalalaase tan iyo kacdoonkii NATO ay taageereysay 2011 ee looga soo horjeeday Moammar Gaddafi.

TRIPOLI, LIBYA - Ugu yaraan lix qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu toogtay xarunta dadka lagu hayo ee Tripoli Jimcihii, sida uu sheegay madaxa hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee howlgalka Liibiya.

Wararka qaar ayaa intaas waxay ku darayaan in qaar badan oo ka mid ah ay ka baxsadeen xarunta qaar kalena ay isugu soo urureen waddooyinka u dhow. Dadkan xaruntan ku jira waxaa kamid ah Soomaali.

"Tiro badnida ayaa khalkhal ka abuuray xarunta Ghot Shaal, iyada oo ay dadku seexanayaan bannaanka oo ay joogaan ciidammo kala duwan oo ammaan ah," ayuu yiri Federico Soda, madaxa Liibiya ee IOM. "Rasaas ayaa bilaabatay," ayuu yiri, isagoo intaas raaciyey in ugu yaraan lix qof ay dhinteen.

Ciidamada ammaanka Liibiya ayaa tallaabo adag ka qaaday muhaajiriinta, qaxootiga iyo magangalyo-doonka toddobaadkii la soo dhaafay, iyagoo xiray in ka badan 5,000.

Dalka Liibiya waxaa ku sugan boqolaal kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo qaarkood doonaya inay u socdaalaan Yurub halka kuwa kalena ay u yimaadaan inay ka shaqeeyaan dalka ugu weyn ee dhoofiya shidaalka.

Waxay si joogto ah ula kulmaan rabshado ka dhaca waddan ay nabadiisu yar tahay toban sano, iyada oo qaar badan lagu hayo xarumo ay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR.

UNHCR ayaa sheegtay in ay yihiin dad badan oo aan nadaafad lahayn, iyo halka Amnesty International Jimcihii sheegtay in ay la kulmaan jirdil iyo xadgudub galmo.

Dowladda Liibiya ayaa wali si degdeg ah uga hadlin dhacdadan. Wadanku wuxuu ku jiray qalalaase tan iyo kacdoonkii NATO ay taageereysay 2011 ee looga soo horjeeday Moammar Gaddafi, waxaana intiisa badan dhulka gacanta ku haya xoogag hubeysan oo maxalli ah oo si madax bannaan uga shaqeeya arrimaha dowladnimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM