Saameynta colaadda Itoobiya ku yeelan karto wadamada deriska la ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dagaalka ka socda gobolka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya ayay suurtagal tahay in saameyntiisa aysan ku koobnaan mustaqbalka dalkaasi oo kaliya balse sidoo kale wuxuu saameyn halis ah ku yeelanayaa waddamada deriska la ah dalka Itoobiya.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey, António Guterres, oo doonayay in uu dejiyo xiisadda ka taagan gobolkaasi ayaa sheegay in"xasilloonida Itoobiya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka geeska Afrika".

Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad tiro ahaan ka badan 110 milyan oo qof isla markaana ah mid ka mid ah waddamada Afrika ee dhaqaalahooga uu aadka u kobcaya ayaa waxyaabaha ka dhacaya waxay saameyn weyn ku yeelanayaan guud ahaan gobolka.

Inkastoo taasi ay jirto, haddana dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa ilaa haatan diidan baaqa ah in faragelin diblomaasiyadeed lagu sameeyo arrinta gobolkaasi, si loo soo afjaro colaadda dowladda kala dhaxeyso maamulka Tigreeda ee TPLF.

Taa badalkeeda, dowladdu waxay billowday dedaallo ay ku dooneyso in dunida ay kaga dhaadhiciso in colaaddani tahay mid khuseysa arrimaha gudaha ee Itoobiya. Dowladdu waxay colaaddaasi ku tilmaantay "hawlgal sharciga lagu dabaqayo isla markaana ka dhan ah koox dooneyso in ay burburiyaan isla markaana ku tuntaan nidaamka dastuuriga ah ee dalkaasi.

Colaaddan ayaa laga yaabaa in ay salka ku hayso xiisad muddo dheer soo jiitameysay oo u dhaxeysay TPLF iyo mas'uuliyiinta dowladda federaalka balse kumannaanka qof ee qaxootiga ahi ee ku qulqulaya dalka deriska ah ee Suudaan ayaa muujinaya sida colaaddani ay ugu faafi karto meel ka baxsan xudduudaha Itoobiya.

Saameynta ballaaran

Rashiid Cabdi oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika ayaa sheegaya in durbaba colaaddani ay tahay mid gobol.

"Suudaan ayaa hadda ku lug leh, xilliyada qaarna waxaa laga yaabaa in waddamo kale oo gobolka ku yaal ay ku lug yeeshaan iyo xitaa kuwo ka baxsan gobolka sababtoo ah, gobolkaasi waa mid muhiim ah."

Waxa uu sidoo kale rumeysan yahay in dowladda Eritrea ay colaaddani qeyb ka tahay maadaama ay xudduud dheer la leedahay gobolka Tigreeda.

Taariikh ahaan Eritrea waxay xiriir aad u xun la lahayd TPLF, waxayna colaadda ka yeelan kartaa dano iyada u gaar ah. Sidoo kale madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa sidoo kale xulufo la ah ra'iisalwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Shaki kuma jiro in weerar kastaa oo dowladda Eritrea ay ka geysato xudduuda woqooyi ee ay la leedahay Tigreeda uu furi doono furin kale balse ilaa iyo haatan mas'uuliyiinta Eritrea waxay beeniyeen in ay ku lug leeyihiin colaaddan.

Sidoo kale waxaa jira halis ah in xoogga iyo cududda ay dowladda Itoobiya isugu geysay gobolka Tigreeda uu wiiqi karayo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa durbaba Soomaaliya kala baxday 600 oo askari, inkastoo ciidamadaasi aysan qeyb ka ahayn kuwa hawlgalka midowga Afrika ee Amisom.

"Haddii ay xaaladda ka sii darto oo Abiy Axmad uu ku khasbanaado in uu ciidamadiisa kala baxo hawlgalka AMISOM, taa waxay noqoneysaa arrin halisteeda leh... waxay arrinatasi Al-Shabaab fursad u siin doontaa in ay dib isu soo abaabulaan," ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Kooxda xasaradaha caalamiga ahi ee ICG ayaa iyana sheegtay in haddii aan colaaddaasi si deg deg ah loo xallin ay halis weyn ku noqon doonto Itoobiya iyo guud ahaan geeska Afrika.

'Dhammaadka Itoobiya'

Marka laga soo tago ku lug lahaanshaha waddamada deriska ay ku lug leeyihiin colaaddan Itoobiya, dadka qaar ayaa ku doodaya in colaaddani ay wiiqi doonto dowladnimada Itoobiya oo cawaaqib xun ku yeelan doonto waddankaasi.

Rashiid Cabdi ayaa BBC-da u sheegay "waxaa kuu muuqanaya in mustaqbalka in maamul-goboleedyadu ay ka sii fogaadaan xukunka dowladda dhexe, arrintaa oo wiiqeyso awoodda xukuumadda dhexe".

Balse agaasimaha machadka daraasaadka ee Horn Institute, Xasan Khannenje ayaa rumeysan in ra'iisalwasaare Abiy uu u baahan yahay in maamulka Tigreeda uu dowladdiisa dib ugu soo celiyo si looga baaqsado in maamullada kale ay iyagana qaadaan waddada Tigreed

"Abiy wuxuu arrintan u arkaa in ay tusaale xun u tahay gobollada kale... tallaabo kastaa oo gooni u goosad ah oo gobol kaliya uu ku dhaqaaqo ayaa ka dhigan in Itoobiya ay kala go'go'do, taasina waxay ka dhigan tahay dhammaadka Itoobiya oo ah waddan ay qowmiyaduhu wadadeggan yihiin," ayuu yir Xasan oo u warramayay BBC-da.

"Ugu dambeyntii waa in gobolkaasi uu ku soo celiyaa dowladda isla markaana uu sanadka dambe qabto doorasho mideysa waddanka. Arrintaasi xaqiiqo ahaan waa mid aad u adag basle ma ahan mid aan suurtagal ahayn."

Dhanka akle, xasaraddan ayaa laga yaabaa in ay horseedo in kumannaan ay deegaannadooda ka qaxaan sababo la xiriira colaadda amaba cabsi ay ka qabaan.

Tiro badan oo qaxooti ah ayaa ku qaxay dalka Suudaan, waxaana Jimcihii dhawaa ay hay'adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay sheegtay in qulqulka qaxootigan cusub uu sababi karo in ahy'adaha samafalka ay awoodi waayaan in ay gargaar u fidiyaan dadkani qaxootiga ahi, sida wakaaladda wararka ee Reuters ay ka soo xigatay afhayeen u hadlay hay'addaasi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dowladda Suudaan ay ogolaatay in meel 80km u jirta xudduudda laga dhisto xero qaxooti oo qaadi karayso ilaa 20,000 oo qof

Sidoo kale halista jirta ayaa waxa ay tahay in cunnadu ay gabaabsi noqoto maadaama gobolka oo dhan uu horaan cagta mariyay ayax xooggan isla markaana mid kale la filayo usbuucyada soo socda, sida dhawaan lagu sheegtay warbixin arrimaha bani'aadanimada looga hadlayay oo ay Qaramada Midoobey soo saartay.

Waxa kama dambeys uu gobolku u baahan yahay

Qiyaastii 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigreeda - oo tiro ahaan dalka Itoobiya ka ah 10% dadka ku nool dalka oo dhan - ayaa hadda ku tiirsan cunnooyinka gargaarka ahi ee la siiyo, waxaana Qaramada Midoobey ay sheegeysaa in gudd ahaan dalka Itoobiya qiyaastii toddobo milyan oo qof ay wajahayaan cunno la'aan ba'an.

Haddii colaaddu ay sii socoto, waxaa sii kordhi karaya tirada dadka u baahan gargaarka bani'aadanimo, xilli gobolka geska Afrika oo dhami ay ka jirto baahi badan.

Qaramada Midoobey waxay intaasi ku dartay in halista ah in "cudurrada aan la xaddidi karin iyo ayaxa faraha badan" uu gaaro gobolka ay tahay mid heerkeeda aad u sarreeyo.

Baaxadda Itoobiya iyo muhiimadda halka ay gobolka kaga taal ayaa ka dhigan in wax kastaa oo dalkaasi ka dhacaya in aanay ku ekeaan doonin gudaha dalkaasi oo kaliya, ha noqdaan arrimaha dagaalka ama xitaa dhibaatada bani'aadanimo.

Ra'iisalwasaare Abiy ayaa sheegaya in uu ku kalsoon yahay in dagaalkani qaadan doono muddo aad u yar, arrintuna tahay mid u taal Itoobiya oo kaliya balse haddii colaaddani ay sii daba-dheeraato, waxay halis ku noqon kartaa xasilloonida waddamada deriska ah oo dhan ah.

BBC

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM