Suudaan: Saraakiil sirdoon oo lagu dilay iska hor-imaad

Image
Gulufkan ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtey "horjoogeyaal kale oo qaar ay ajnabi yihiin".

KHARTUUM, Suudaan - Sirdoonka Suudaan ayaa shaaca ka dhigay in shan sarkaal looga dilay howlgal ay ku qaadeen Daacish intii lagu guda jiray weerar ka dhacay caasimada oo lagu bartilmaameedsaday dabley ku xiran kooxda hubaysan ee ISIL (ISIS).

"Laba sarkaal iyo saddex sarkaal oo aan ku-xigeen ahayn ayaa lagu dilay hawlgalkii Talaadadii ee Khartoum," ayay wakaaladda dowladda ku sheegtay  bayaan ay sii faafisay.

Ciidamada amniga ayaa ku qabtay weerarka "11 argagixiso ajnabi ah oo ka soo kala jeeda jinsiyado kala duwan, halka “afar argagixiso oo ajnabi ah ay u suurta gashay inay baxsadaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Guri laba dabaq ah oo ku yaal xaafadda Jabra ee magaalada Khartoum ayaa waxaa ku hareereysan ciidamada ammaanka, kuwaas oo ka codsaday dadka in ay ka guuraan si looga hortavo waxyaabaha qarxa oo argagixisada kaga tagtay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka deriska la ah ayaa AFP u sheegay inay maqleen rasaas la is weydaarsaday waxayna arkeen dhaawacyada oo baabuur lagu rarayo. Macluumaadyo kale oo muhiim ah ayaan wali laga helin dhacdadaas.

Sanadkii 2019, waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxay ka digtay halista ISIL ee Suudaan. Dhanka woqooyi ee Suudaan waxay deris kala tahay Masar, oo sannado badan kula dagaallameysay kooxda Jasiiradda Sinai oo ay ku xoogan yihiin laanta maxalliga ah ee ISIL.

Dhacdada Talaadadii ayaa timid kadib markii dowladda Suudaan ay sheegtay inay ka hortagtay isku-day afgambi oo toddobaadkii hore ay ku lug lahaayeen saraakiil milateri iyo dad rayid ah oo lala xiriiriyay taliskii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM