Shiinaha oo talaabo u qaadey xoojinta galaangalkiisa Afrika

Image
Wasiirka cusub ee arimaha dibada China, Qin Gang, ayaa bilaabay safar uu ku tagayo shan dal Afrikaan ah.

NAIROBI, Kenya - Wasiirka cusub ee arimaha dibada waddanka China, Qin Gang, ayaa bilabaya booqasho oo ku tagayo dalal oo ku yaala qaaradda Afrika, sidda ay sheegtay wasaaradiisa oo war-saxaafadeed fahfaahsan ka qabatay safarka.

Ethiopia ayuu kasoo bilaabay safarkiisa waxaana ku xigi doona Gabon, Angola, Benin iyo Masar, sidda uu warbaahinta u sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha, Wang Wenbin.

Ajandaha ugu weyn ee wadahadalada uu geli doona ayaa waxay tahay in uu kala xaajoodo wadamadan ganacsiga si lamid ah iskaashiga Shiinaha iyo dalalkaas.

Socdaalka Masar ayaa la filayaa in uu kula kulmo xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, iyada oo dhawaan uu dalka boqortooyada Sucuudiga kusoo dhamaaday shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Dano siyaasadeed iyo wada xaajoodyo ayaa qayb ka noqonaya kulamada iyada oo afhayeenka wasaaradaha arimaha dibada Shiinaha, Wang Wenbin uu booqashada ku tilmaamay "mid muhiim ah".

"Waxay muujinaysaa in China ay muhiimad siinayso xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee Afrika iyo sidoo kale horumarinta Xiriirka Afrika iyo Shiinaha ka dhaxeeyo," ayuu raaciyey.

Shiinaha ayaa maalgeliyay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Afrika iyadoo xeel-dheerayaasha qaybtood ku tilmaamaan mid aan isku dheeli tirnayn iyaga oo u tiirinaya in dalal badan ay la daalaa dhacayaan deymo ay iska bixin karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM