Wajiga cusub ee colaada Suudaan xilli laga cabsi qabo dagaal kale

Image
Walaacan ayaa ka dhashay ka gadaal markii milatariga uu ku dhawaaqay go'aan hal dhinac ah.

KHARTUUM, Suudaan - Milatariga Sudan ayaa Arbacadii ka baxay wada xaajoodyo ay la lahaayeen xoogaga hubeysan ee dalkaas oo ku saabsanaa kordhinta heshiiska xabad joojinta, iyaga oo ku eedeeyay kuwa maleyshiyaadka in ay si isdaba joog ah u jebiyeen xabad joojinta ay garwadeenka ka ahaayeen wadamadda Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Labada dhinac ee iska-hor-imaadka dhexmarayo mudada lixda toddobaad ah ayaa 20-kii bishii May ku saxiixday xabbad-joojin toddoba maalmood ah magaalada Jiddah ee Sucuudiga, taas oo loogu talagalay in lagu oggolaado bixinta gargaarka bani'aadamnimo. Muddo kordhin shan maalmood ah ayaa lagu heshiiyey May 29.

Dowladaha saameynta ku leh colaadan ee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa isha ku haya dhaqan gelinta xabad joojinta waxayna sheegeen in labada dhinac ay ku xadgudbeen.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii kulan yeeshay fadhi albaabadu u xirnaayeen oo qaatay 90 daqiiqo, ka dib codsi ka yimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Waa markii shanaad ee uu xilka hayo in ka badan shan sano oo uu codsado kulan noocan oo kale ah.

"Waxaan wajahaynaa xaalad lama filaan ah oo ka jirta Suudaan, oo ku saabsan siyaasadda iyo bini'aadantinimada labadaba, waxaana xoghayaha guud uu doonayay inuu la wadaago fikrado uu ka qabo xubnaha golaha," ayuu afhayeenkiisa, Stephane Dujarric, u sheegay suxufiyiinta.

Caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa waxaa hareeyay rabshado tan iyo 15-kii Abriil, markaasoo uu dagaalku dhexmaray ciidanka iyo xoogaga taageerada degdegga ah ka dib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya hoggaamiyaha milatariga General Abdel Fattah al-Burhan iyo madaxa RSF General Mohamed Hamdan Degalo.

Labadan Janaraal ayaa ah xulufo hore oo si wada jir ah u abaabulay afgambi militari oo dhacay Oktoobar 2021 kaas oo meesha ka saaray u wareejinta xukunka rayidka ah ka dib markii 2019 xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir.

Xiisada u dhexeysa jeneraalada ayaa sii kordhayay iyadoo la isku khilaafsan yahay sida RSF loogu biirin karo ciidamada iyo cidda kormeeraysa howshaas. Dib u habeynta ciidamada ayaa qeyb ka aheyd dadaal lagu doonayo in dalka lagu soo celiyo xukun rayid ah, laguna soo afjaro qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay afgambiga 2021-ka.

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM