Xildhibaan hore oo isku-dhex-dilay xafiis dowladeed

Image
Saddex jeer ayuu sharci-dejiye noqdey. Sidoo kale, wuxuu soo noqdey guddoomiye ku xigeen baarlamaan.

LILONWGE, Malawi - Xildhibaan caan ah oo horey uga tirsanaa baarlamaanka Malawi laguna magacaabo Clement Chiwaya ayaa la sheegay in uu isku dhex dilay xafiis ku yaal dhismaha xeerdejinta dalkaas.

Mr Chiwaya, oo ahaa dadka gaadiidoa curyaamiinta isticmaala kadib markii uu ku dhacay cudurka dabeysha isagoo laba sano jir ah, ayaa soo noqday guddoomiye ku -xigeen intii u dhaxeysay 2014 iyo 2019.

Qoraal uu ka tagay wax yar ka hor intii uusan is-toogan, wuxuu ku sheegay in uu jiro khilaafka uu la galay saraakiisha baarlamaanka kaasoo ku saabsan lahaanshaha baabuur si gaar ah loo habeeyay.

Ka dib markii uu ka degay guddoomiye ku -xigeenkii wuxuu bilaabay hannaan u oggolaanaya inuu iibsado baabuurka uu baarlamaanku siiyay ee u saamaxay inuu kaxeeyo inkastoo uu naafo yahay.

Lacag ayuu ku bixiyay gaariga laakiin wuxuu ku eedeeyay baarlamaanka in uu ku guuldareystay wareejinta lahaanshaha. Qoraal laga soo saaray geerida Ex-Xildhibaanka, ayaa baarlamaanku ku sheegay in arrintu ay weli taallo maxkamadda.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabineysa in Mr Chiwaya uu galay xafiiska baarlamaanka Khamiistii kadibna uu isku toogtay goobtaas.

Qoraalkiisa ayuu sidoo kale ku caddeeyay inuu ka daalay dawarsiga wuxuuna tibaaxay inuu naftiisa dilay isagoo ka baqaya inuu "dadka kale dhibaateeyo".

Mr Chiwaya ayaa dhashay 1971, wuxuu noqday u dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada wuxuuna ku guulaystay inuu noqdo xildhibaan saddex jeer.

Booliska ayaa hadda baaraya sida ay ugu suurogashay inuu gudaha u galo baarlamaanka oo inta badan ammaankiisa aad loo ilaaliyo, isagoo wata bistoolad ay xabaddo ku jiraan. Natiijada baaritaanka waxaa la filayaa in loosoo bandhigo qaab dadweynuhu goobjoog ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM