Afar qodob oo labinta siisey ciidamada qabsadey Xarardheere

Image
Xarardheere waxa ay ku taalaa degaan xeeb ah oo dhulka ku xeeran ee miyiga ah ay yihiin kuwa geed-gaab ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Puntland, Galmudug iyo dadka degaanka oo is-kaashanaya ayaa aroornimadii maanta galay magaaladda muhiimka ah ee Xarardheere ee xeebta ku taala.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii ay Al-Shabaab isaga baxeen, iyaga oo ka baaqsaday dagaal ay hubanti ahayd in halkaasi lagula galo ayna muuqatay in dhiig badan uu ku daadan doono.

Nooca Deegaanka

Xarardheere waxa ay ku taalaa degaan xeeb ah oo dhulka ku xeeran ee miyiga ah ay yihiin kuwa geed-gaab ah, ayna adagtahay in gabbaad ay ka helaan dhinacyadda dagaalamaya.

Sidoo kale, waxaa aad u sahlan in ciidan kasta oo si wanaagsan u diyaarsan uu muddo kooban cagta ku mariyo xoogaga hubeysan ee gacanta ku haya haddii aysan heysan hub ku filan.

Si lamid ah, ma sahlayn in miinooyin lagu aaso ama geedaha lagu qariyo. Ciidanka dowladda ayaa dhankooda waxay wataan qalab miino baar ah iyaga oo cashar ka bartay dhacdooyin hore.

"Sidoo kale, argagixisadda uma sahlayn in ay dhirta ku dhuuntaan oo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah sameeyaan sida lagu bartay," ayuu yiri falanqeeye dhanka ammaanka ah.

Unugyada Shiishka

Ciidamada dowladda waxaa qeyb ka ah unugyo u tababaran shiishka, haystana amaro in ay meel fog ka toogtaan dagaalamayaasha haysta hubka culus sida dhashiikada iyo hubka kale ee gaadiidka ku rakiban.

Bartilmaameedkooda waxaa qeyb ka ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee ee hawlgalinaya dagaalameyaasha kuwaasoo la aaminsan yahay in intooda badan ku hubeysan qoryaha AK 47 ka.

Saanadda Ciidan

Askarta galay Xarardheere ayaa la diyaarinayay bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa loo dhameystiray wax walba sidda gargaarka caafimaadka, sahayda cuntada iyo hubka si lamid ah tiradda ciiidamadda.

"Ciidan waxa uu leeyahay seddex caloolood, mid kastana buuxin ayay kaa rabtaa, mid waa salbatooyada gaadiidka ciidanka oo shidaal u baahan, midna waa qasnadda qoryaha oo kaaga baahan rasaas, midna waa caaloosha askariga oo kaaga baahan raashiin iyo mushaar," ayuu yiri falanqeeye.

Khabiir kale oo ka faalooda ammaanka ayaa raaciyey: "Hadda waxaa muuqata in seddexdii calooloodba la buuxiyay, marna ma jirto sabab looga guuleysan waayo maleeshiyaadkaasi baxsadka ah".

Dadka Deegaanka

Inkasta oo qeyb ahaan dadka degaanka la sheegay in ay raaceen maleyshiyaadka Al-Shabaab, haddana waxaa la wariyey in qeyb kale ay dhabarka aadiyeen xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Ka sokoow in dadka ay si weyn isu abaabuleen, qeybna ka yihiin dagaalada ka dhanka ah kooxdan, waxa ay ciidanka dowladda siinayaan xoggo sirdoon oo aad muhiim u ah oo ay adkaan lahayd in si hubantu ah loo helo.

Dhaqdhaqaaqa kooxda, shaqsiyaadka muhiimka ah ee kala wada hawsha iyo meelaha ay ka jilicsanyihiin ayaa kamid ah macluumaadka. waxaana Arrimahan oo aan la heli jirin ayaa sahley in Al-Shabaab ay 10-sano maamusho Xarardheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM