Buuq ka dhashay khudbad 'xanaf leh' oo ay jeedisay Sacdiya
MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar, ayaa jeedisay kalmad carro iyo buuq ka dhalisay baraha bulshadda ku dhawaad afar iyo labaatankii [24] saac ee laga soo gudbay.
Sacdiya oo degaan doorashadeedu tahay Puntland ayaa khudbadan dadka qaar ku qeexeen "mid xanaf leh" waxay ka jeedisay munaasabad looga hadlayay tacadiyadda la sheego in loo geysto haweenka.
Dadka ugu badan ee kasoo muuqdey xafladda ayaa u badnaa haween waxaana ku jirtay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka xukuumadda federaalka, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo qudheeda ah Xildhibaan.
Inta badan ugu hadal-jeedinta oo socotey in ka badan sagaal daqiiqo, guddoomiye Sacdiya ayaa aad diiradda u saartey in ay durto culimadda iyo shaqsiyaad ay "ku eedeysay in ay ku gabanayaa Diinta Islaamka".
"Waa lawada gaaloobayaa"
Inkasta oo ay dhowr jeer ku celcelisay in ay u ololaneyso xuquuqda ay diinta siisey haweenka, guddoomiye Sacdiya oo wacad ku martey ansixinta sharciga jinsiga ayaa waxaa ka dhacay ugu yaraan laba qadaf.
Iyadda oo u hanjabaysa wadaada, wariyeyaasha iyo shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshadda, Sacdiya ayaa ku dhaaratay in ay ku dacweyneyso dalalka ay dhalashadda labaad ka haystaan qof kasta ka hor-yimaada.
"Ninka Ingiriiska, Norway iyo Marekanka fadhiya ee raba inta qol isku soo xiro uu anaga ina caburiyo, baasaboorada xun-xunka ah ee aad haysataan ayaa la idinka qaadayaa. Adoo safaarada baasaboorka ku siisey ay Xamar ku taalo badan banaanka iiga soo hanjabi karn," ayay tiri.
"Ragga diinta ka hor baxaya"
Waxay raacisay: "Ilaahey kama baqaysaan sharciga gaaladda isla aadaynaa waa haddii la diido in gabadha la kufsadey iyo qofka lagu tacadiyo. Adeer gaalada in loo dhawaado maxaa u diideysaa; gaallaa loo dhawaanayaa waana lawada gaaloobayaa, inkaarta idinka ayay idin haysataa".
Qeybta ugu dambeysay hadal-jeedinteeda, guddoomiye Sacdiya oo si toos ah weerar dhanka afka ah ugu qaadey ragga ayaa sheegtay in ay "nimanka ay diinta ka hor-baxayaa" haddii ay “joojiyaan xadgudubka ay ku haayaan dumarka".
"Ninka xabada ridaya waa adiga, adaa Al-Shabaab ah, adaa Al Murtad ah; kuli garka intaas idinla eg-yahay qalad oo dhan, laaluush oo dhan nin raadiya. Haddii aan hadalno midaa hadashay, naga adaaya tacadiga," ayay xustey.
Sharciga Jinsiga Soomaaliya ayaa kamid ah shuruucda buuqa ugu xooggan uu ka taagan yahay ee horyaala baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya. Dadka dhaleecaynaya waxay carabka ku dhufanayaan in uu fasaxayo "guurka dadka isku jinsiga ah".
GAROWE ONLINE