Buuqa siyaasadeed ee Gedo oo waji cusub kusoo rogaal-celiyey

Image
Isbadalo deg-deg ah oo u muuqda kuwa la maleegay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbadalo degdeg ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga soo wariyey gobolka Gedo halkaasoo ay muuqaneyso mid in ay mar kale xudun u noqoneyso loolan iyo buuq siyaasadeed horleh.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii ay Jimcadii shalay si lama filaan ah magaalada Beledxaawo kaga soo muuqdeen Senator Cabdullaahi Fartaag iyo Wasiir hore Cabdirashiid Janan.

Janan oo warbaahinta la hadlay ayaa tibaaxaya in socdaalkooda uu salka ku hayo "abaabulka guluf ka dhan ah Al-Shabaab". Balse, dadka qaar ayaa aaminsan in uu daaran yahay arrimo siyaasadeed.

Arrinta ayaa sii xoogaysatay kadib markii guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Gareet uu si toos ah u weeraray dowladda federaalka, isaga oo farriin u direy taliyaha NISA Mahad Salaad.

Gareet oo ay hadalkiisa si weyn u xigatay warbaahinta maxaliga ah ayaa carabka wuxuu ku adkeeyay in amaradda Mahad Salaad iyo waraaqihiisa aysan gobolka ka soconaynin. 

Dowlada federaalka iyo maamulka Jubaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin xaaladaha soo kordhay. Balse, dad ku dhow labada dhinac waxaa laga soo xigtey in ay tuhuni kala duwan qabaan.

Illo wareedyadda ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo Jubaland ay shaki ka qabaan in wajiga cusub ee gobolka Gedo uu qeyb ka yahay loolanka u dhaxeeya dalalka uu xuduuda la leeyahay ee Itoobiya iyo Kenya.

Jeneraal Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Jubbaland Khaalid Sheekh Cabdullaahi, iyo Cabdirishiid Janan, wasiirkii hore ee amniga Jubaland, ayaa dhowaan lagu arkay gudaha Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaanan Weli wax talaabo ah ka qaadin arrimaha Gedo, iyada oo sidoo kale aysan waxbo ka soconin magacaabistii taliyaha NISA ee gobolkaas. 

Si kastaba, waxa ay u egtahay in aanan weli la haynin qorshe cad oo looga falceliyo xaaladaha sida xawliga isu badelaya ee Gedo balse dowladda federaalka iyo Jubaland ay ku mashquulsan yihiin jawaab celintooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM