Deynta ay qaadaneyso Soomaaliya: Gumeysi cusub mise barwaaqo?

Image
Waa jira dhowr nooc oo dowladaha aduunka ay kala qaataan ama lagu maalgashato wadamada soo koraya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Talaadadii shalay muuqaal laga duubay oo loo qeybiyey warbaahinta wuxuu shaaca kaga dhigay in maamulkiisa uu qorsheynayo qaadashada "boqolaal bilyan deyn ah".

Inkasta oo uusan fahfaahin qaabka iyo halka ay qaantaas kasoo amaahanayaan, lacagtaas ayuu hoosta ka xariiqay in lagu maalgelinayo maashaariic horumarineed sidda dhismaha iskuulo iyo isbitaalo waaweyn guud ahaan waddanka.

Xilli uu qiray in tobanaan sano ay Soomaaliya la tacaaleyso in ay iska bixiso ama laga cafiyo in ka badan shan bilyan deyn ah oo dunida looga leeyahay, Xasan Sheekh ayaa rajo ka muujiyey in aysan ku dhamaan doonin jeebabka iyo duunta shaqsiyaad.

"Shan bilyan ayaan ka qaylinaynay, boqolaal bilyan ayaan galaynaa oo deyn ah. Intaan soo qaadano maan iska cunaynaa? Mushaharaad maan u kala qaadaneynaa? Daaro dhaadheer maan ku dhisaneynaa? Maxaan ku sameynaynaa?" ayuu yiri.

Isaga oo ka jawaabaya dhamaan su'aallahan ayuu raaciyey: "Waxaan ku sameynaynaa, dalkan ku dhisaynaa. Waxaan gelinaynaa meel dakhli ka imaanayo oo aan deynka iska gudi karno, waxaan gelinaynaa adeegyada dadkeena ka maqan".

Noocyada deynta dalalka kala qaataan

Waa jira dhowr nooc oo dowladaha aduunka ay kala qaataan. Marka ay timaado qaaradda Afrika, reer galbeedka iyo Shiinaha ayaa 20-kii sano lasoo dhaafay ahaa deyn-bixiyeyaasha ugu badan ee qaarada iyaga oo ku saleynaya danahooda.

Hase ahaatee, waxaa jira saddex nooc oo deyn bixin ah kuwaasoo dhamaan wadamadda ugu tunka weyn caalamka isla markaana maalgashiga balaayiinka ah sameeya ay ku saleeyaan deynta ama amaahda ay siiyaan dunida soo koreysa.

Deyn aan dul-saar lahayn: Waa dhif mana helo waddan kasta waxaana loo bixiyaan qaab mucaawino ahaan. Laakiin, waxay wadataa shuruudo adag sidda in ay xadidan tahay cadadka lacagta, cidda maamuleysa iyo sidda loo adeegsanayo.

Deyn dul-saar kooban leh: Waa lagu maalgeliyaan mashaariicda waaweyn sidda caafimaadka iyo tacliinta. Balse, waxaa waajib ah in dib loogu bixiyo muddo 15-sano gudaheeda taasoo haddii aysan dhicin sababi karin cawaaqib daran.

Deynta ganacsiga oo dulsaar badan: Inkasta oo ay ku kala sareyso nooca maalgelinta, mar walba waxay leedahay dulsaar badan. Mudada dib u bixinta amaahda waxay ku xiran tahay heshiiska labada dhinac, balse waxaa ugu yar saddex sano.

Gumeysi cusub mise tareenka barwaaqada?

Hay'adaha ama dalalka bixiya deynta ayaa lasoo shir taga xujooyin sida in ay sanado maamulayaan kaabayaal dhaqaale sida dekadaha ama garoomada haddii heshiiska dib-u-bixinta amaahda lagu fuli waayo waqtiga lagu balamay.

Uganda ayaa ku sigatay in lagala wareego garoonka diyaaradaha Kampala kadib markii shaki soo galay in ay mudada lagu heshiiyey oo ah 20-sano ku bixin karto deyn dhan $207 milyan oo ay November, 2015 ka amaahatay China.

Tusaale kale, Nigeria ayaa la daalaadhaceysa bixinta $3.7 bilyan ay ka amaahatay China. Saxaafada ayaa warisay in dhaqaalaha dalkaas uu liicay deynta awgeed ayna ku qaadan doonto in uu iska gudo muddo 30-sano xilli heshiisku yahay 20-sano.

Waxyaabaha fashiliya heshiiska waxaa kamid ah is-dabamarinta iyo xatooyada ku badan wadamada soo koraya. Soomaaliya oo kamid ah dowladahaas waxay 2021-dii safka horey ka gashay dowladaha ugu musuqmaasuqa badan.

Hadaba deynta cusub ee madaxwayne Xasan Sheekh iclaamiyey in maamulkiisu qaadanayo ma waxay dalka u horseedi doontaa gumeysi cusub oo dhanka dhaqaalaha ah mise waa tareenkii uu ku ololeeyay ee barqaada u kaxeyn lahaa Soomaaliya?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM