Dooda mustaqbalka gobolka Gedo oo mar-xalad cusub gashay
MUQDISHO, Soomaaliya - Masiirka Gedo ayaa wali mugdi wajahaya xilli ay sii kordhayaan dhinacyadda xifaaltanka adag ugu jira sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen go'aaminta mustaqbalka gobolkan, sidda uu ogaadey Garowe Online.
Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkan oo isugu jira heer federaal iyo heer maamul goboleed oo ku kulmay caasimada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ayaa qaatay go'aan iska soo horjeeda.
Kooxda koowaad u badan Xildhibaano heer federaal iyo maamul goboleed ayaa isku-raacay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ugu ololayn lahaayeen in ay ka shaqeeyaan in gobolka loo gacan-geliyo Jubaland.
Mas'uuliyiin kale ayaa isku-dhaarsadey in ay ka hor-yimaadaan in maamulka Axmed Madoobe uu dib u maamulo gobolka Gedo iyaga oo wacad ku maray in ay goleyaal kasta uga ololeyn doonan arrinkan.
"Hal-ku-dhegga kooxda koowaad waa “Gedo waa Jubbaland, Jubbaland-na waa Gedo” ayaga oo ku doodaya in dagaal siyaasadeed uu horey gobolka ugu waayay xaqii uu lahaa," ayay xuseen illo wareedyadda.
U yeeridii Senator Fartaag
Illah ayaa ku daray: "Kooxda kale oo ay ku jiraan wasiiru dowladaha arrimaha deegaanka Aadam Aw Hirsi iyo xildhibaanka federaalka Mursal oo horey u ahaa wasiirkii caafimaadka Jubland ayaa qaadacay".
"Arrinka Gedo ayaanan weli xal rasmi ah laga gaarin, iyada oo weli madaxda Jubaland ay ku sugan yihiin Muqdisho si ay dowladda federaalka ugu qanciyaan in Gedo lagu soo wareejiyo maamulka," ayay kusoo xireen.
Gobolka Gedo ayaa muhiim u ah Jubaland maadaama uu xuduud la leeyahay dalalka Kenya iyo Itoobiya kuwaasoo saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku leh maamul goboleedkan.
Geesta kale, wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisaddii siyaasadeed ee todobaadyo ka hor ka taagnayd halkaasi ay hoos u dhacday kadib farogalin noocyo kala duwan ah oo ka timid dowladda federaalka Soomaaliya.
Talaabada koowaad waxa ay ka timid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la sheegay in uu wacay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kuna wargaliyay in uu Muqdisho kusoo laabto, haddii kale aqalka uu ka qaadi doono talaabo uu xilkiisa ku weyn karo.
Malafka Cabdirishiid Janan
Xogaha la helayo ayaa muujinaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu u cawday guddoonka Aqalka Sare, kana dalbay in ay Fartaag wax ka qabtaan.
Dhanka kale, taliska ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in iyana ay la hadleen saraakiil ciidan oo ku sugan Dooloow, kuwaas oo magangalyo iyo amni siinayay siyaasiyiinta reer Gedo ee halkaasi dhaqdhaqaaqa ka waday.
Cabdirishiid Janan ayaa la sheegay in ay ku dhacday dharbaaxo xoog leh kadib markii hub culus ay kala goosteen askartiisa oo uu isku dayayay in uu dib u abaabulo kadib markii uu gobolka ku laabtay.
Askartan oo la goosatay qoryaha Dhashiikaha ayaa aaday dhanka Balad Xaawo, halkaas oo ay galeen xero ciidanka dowladda oo halkaas ku taala.
Arrimahan oo is biirsaday ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay xiisaddii siyaasadda.
Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan oo wararka sheegayaan in ay dowladda federaalka wadahadal kala leeyihiin arrimaha gobolka Gedo.
GAROWE ONLINE