Eedeymaha caddeynta u baahan ee ka xeeran colaada Laascaanood

Image
Dhinacyadda dirirta ay ka dhaxeyso ayaa hawada isku-mariyey hadalo taasoo qeyb ka ah loolanka dhinaca saxaafadda.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu dirayo odayaal beeleed si ay u soo afjaraan colaadda magaaladda Laascaanood.

Hase ahaatee, wax-garadka iyo odayaasha xarunta gobolka Sool ayaa waxayy dalbadeen in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo, taasoo ay shuruud uga dhigeen wadahadal.

In kasta oo ay jiraan baaqyo nabadeed iyo dadaallo caalami ah, jawi colaadeed ayaa wali muuqanaya taasoo illaa haatan galaafatay 100 ruux, sida ay GO u sheegeen dadka degaanka iyo isbitaallada.

Afhayeennada labada dhinac oo u waramay warbaahinta ayaa hawada isku-mariyey eedeymo aan caddeymo sugan loo hayn taasoo qeyb ka ah dagaalka dhinaca saxaafadda ee labada daraf.

Afhayeenka Madax-dhaqameedka Laascaanood, Garaad Cabdikariim Cali, ayaa xusay in Ciidanka Somaliland ay "dambiyo dagaal, xasuuq iyo xadgudubyo bini'aadanimo ay geysteen".

Isagoo ka jawaabaya hadalaas, Afhayeenka Ciidanka Somaliland, Cabdi Dheere, ayaa tibaaxay "in maleeshiyaad deegaanka ah oo taageero ka helaya Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigyada ciidamada Somaliland".

Hase ahaatee, illo madax-banaan ayaa xaqiijinaya in labada daraf uu khasaaro nafeed iyo mid maaliyadeed uu kasoo gaarey iska-hor-imaadyadda soconaya bilooyinkii lasoo dhaafay.

Dhakhaatiirta iyo cisbitaallada Laascaanood ayaa toddobaadkan sheegay in 105 qof ay ku dhinteen dagaalka saddexdii toddobaad ee u dambeeyayna ay ku dhaawacmeen 602 qof.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay iskahorimaadka Laascaanood ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 150 qof, in ka badan 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo 6-dii February.

Weriyaha GO oo tagay magaaladaas ayaa sheegay in dagaalku uu sii kordhay toddobaadkan, iyadoo labada dhinac ay qodeen dhufeysyo ay ku difaacayaan goobahooda, iyadoo madaafiicda iyo taangiyada ay ku garaacayeen magaalada oo dhan.

Isbadalka ugu weyn ee todobaadkan la diiwaan-geliyey ayaa ah in ciidanka Somaliland ay faarujiyeen xerada Guulwadayaasha halkaasoo ahayd bartilmaameedka xoogaga degaanka tan iyo bilowgii dagaalka.

Somaliland ayaa talaabadan ku qeexdey "dib-u-gurasho" halka xoogaga degaanka ay ku tilmaameen "guul weyn oo u soo hooyatay halgankooda". Sikastaba ha ahaatee, deganaanshiyo aan buurneyn ayaa jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM