Fahfaahin laga helay sidda uu u dhacay weerarkii Janaa Cabdalle
KISMAAYO, Jubaland - Fahfaahino ayaa laga helayaa khasaaraha weerar ay maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xerooyin ku yaala deegaanka Janaa Cabdalle oo Kismaayo u jira 60 KM.
Haddaba side ayuu weerarka u dhacay, maxaa xog ah ayaana laga hayaa? Warsidaha Garowe Online ayaa xog uruurin kadib ka diyaariyay warbixintan kooban.
Al-Shabaab ayaa Janaa Cabdalle ka weerartey 3 goobood oo ay joogaan ciidamada Jubbaland kuwaasi oo kala ah Buulo Gaduud, Yoontooy iyo Goobweyn, halkaasi oo ciidamo tiro yar ay ku weerareen, ujeedkana waxa uu ahaa in weerarka Janaa Cabdalle uusan helin gurmad ku filan, Jubaland-na ay ku jiho wareerto halka muhiimadda koowaad leh.
Halkii lagu mashquulsanaa goobahaasi kale ayay ciidamo badan oo Alshabaab ah qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku weerareen saldhigga Janaa Cabdalle. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimashadda.
Warbixinadda qaar waxay soo jeedinayaan in iska-hor-imaadka iyo qaraxyada ay ku naf-waayeen 30 askari, inkasta oo Shabaabka ay sheegteen 89 askari in ay dileen.
"Waxa kale oo ay kaxaysteen 8 ka mid ah gaadiidka dagaalka ee kooyalada loo yaqaano oo dhammaantood cusub, waxayna gubeen gaari halaysnaa oo ay gorigii ka furteen," ayay sheegeen illo wareedyo dhanka amniga ah.
Sidda ay xogta muujineyso, ciidamada waxyeeladda soo gaartey ayaa u badan kuwa madaxtooyada Jubbaland oo saldhig muhiim ku lahaa halkaasi iyada oo ciidamada xoogga dalka oo aanan iyaga si fiican u hubeysnayn ay si degdeg ah u baneeyeen xeradii kadib markii uu weerarka biloowday.
Ciidamo Jubbaland ah oo soo gurmaday ayaa iyaguna ku dhintay qaraxyo la dhigay meelihii weerarka ka dhacay, waxaana ka mid ahaa askarta dhimatay taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada Jubbaland.
Dhanka kale, madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waramay in uu u socdaalay xarunta Kenya ee Nairobi. Lama shaacin ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa safarka wallow aanan looga baran.
GAROWE ONLINE