Madaxda timid Muqdisho ee diray fariin aan afka laga sheegin
MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa Arbacadii shalay ka qabsoomay shir ay ka qeybgaleen madaxda dalalka dariska la ah Soomaaliya marka laga reebo Yemen oo dhanka xeebta daris kala ah.
Dalalkani oo loo yaqaano kuwa safka hore, ahna kuwa ciidamada nabad illaalinta ay ka joogaan Soomaaliya ayaa shir saacado ah oo nuxurkiisa u badnaa maamuus iyo fursad adduunka loogu muujiyo sawir wada jir ah.
Dhammaan qodobada ku qornaa war-murtiyeedka kasoo baxay kulankaa ayaa ahaa kuwa horey looga wada hadlay dhanka isgaarsiinta, qaarkoodna ahaayeen qodobo muddo dheerba ay madaxda iska-waafaqsanaayeen.
Dhambaallo "mug leh"
Bayaanka waxaa ku jiray fariimo mug leh oo qaarna war saxaafadeedka ku caddaa - qofkii doonaya in uu si indho fiiqan u akhriyo - iyo kuwa aanan afka baarkiisa laga sheegin - qofkii u dhuun duleela xaaladda guud fahmi karo.
Qodobka koowaad ee warka qoraalka lagu sheegay ayaa ah in madaxda ay isku raaceen "in la illaaliyo madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya".
Qodobkani ayaa ah farriin cad oo loo dirayo cid kasta oo maanka ku haysa gooni u goosad ama xitaa in ay si gaar ah ula macaamisho dowladaha dariska ama kuwa caalamka.
Maya "gooni-u-goosad"
Waa qodob ay markasta ku adkaysato dowladda Soomaaliya in lagu soo daro war saxaafadeedyada beesha caalamka iyo dalalka kale ay lasoo saarayso ee Soomaaliya ku saabsan.
Arrinkani waxa uu si toos ah u quseyn karaa Somaliland oo muddo dheer raadinaysay aqoonsi ay hadda ka jiraan arrimo soo cusboonaaday oo quseyn kara Qaranimada Soomaaliya si gaar ahaan xaalada Laascaanood.
Qodob kale oo war saxaafadeedka ku jiray ayaa lagu bogaadiyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana lagu booriyey in ay meel qura uga soo wada jeedsadaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta dowladnimada.
Is-mari-waaga Puntland
Waxau u qodobkani imanayaa xilli dowlad goboleedka Puntland ay hoos u dhigtay xiriirkii ay la lahayd dowladda Federaalka, sheegtayna in ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka shaqeyso.
Go'aanka Puntland ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qeybgalay shirka madaxda dowladda federaalka kaasoo looga hadlay federaalka iyo garsoorka.
Wararka qaarkood waxay tibaaxayaan in khilaafka Deni iyo Villa Soomaaliya uu qeyb ahaan salka ku hayo arrimo shaqsiyadeed gaar ahaan balamo dhinacyadda dhigteen kadib doorashadii 15-ka May, 2022.
Amniga magaala madaxda
Inkasta oo guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, kooxda weli waxay geysanaysaa weeraro dhiig badan ku daatay, iyada oo dowladda aysan ku filnayn in ay si buuxda uga hortagto falalkaas.
Haddaba farriinta aanan afka baarkiisa laga sheegin ee ay madaxda muujiyeen waa "Muqdisho waa la iman karaa, balse laguma negaan karo," sidda ay aaminsan yihiin khuburadda dhanka ammaanka.
Waa farriin cad oo u dowladda muddo dheer maskaxdeeda ka guuxi doonto, una baahan in dowladda ay dalka gaarsiiso heer shirar caalami ah oo maalmo badan socda ay caasimadda ka dhici karaan iyada oo aysan jirin cabsi amni.
GAROWE ONLINE