Ergayga Qaramada Midoobay ee xilka kasii dagaysa oo bixisay wareysi sagootin ah

Image
Ergayga Qaramada Midoobay ee xilka kasii dagaysa ayaa bixisay wareysi sagootin ah kahor in aysan ka bixin Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergaygii hore ee QM u fadhisay Soomaaliya Catriona Laing ayaa qoraal ka qortay waxay kala kulantay dalka mudadii halka sano ee ay madaxda u ahayd xafiiska UNSOM.

Akhriso maqaalkeeda

Waxaan qabaa marka la eego fursadaha, mid, sida aan horey sheegayba, in uu yahay ‘dhaqaalaha buluuga ah.’ Soomaaliya waxay leedahay Hiigsiga Qarni-jirsiga ah ee 2060 oo ay durba ka shaqeynayso, kaas oo ah aqoonsiga iyadoo leh xeebaha ugu dheer Afrika, in ay jiraan fursado ballaaran: fursado kalluumeysi, waxaa jira fursado saliid iyo gaas looga soosaari karo, waxaa jira fursado aad ka heli kartaan dekedaha aad leedihiin, halkaasi oo ay ka jirto daneyn badan, sida aynu ka arki karno arrinta hadda la halmaasha MOU [Heshiiska Is-afgaradka ah] ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland. Waxaa si aad ah loo xiiseynayaa dekadahiinna iyo sidoo kale fursado dalxiis. 

Laakiinse waxaa jira xiisado suuragal ah in ay ka dhex dhashaan ujeeddooyinkaasi. Haddaba, haddii aan u sii gudbo qaar ka mid ah caqabadaha jira, sidee ku xaqiijin kartaa in si sax ah la isugu dheelitiro kalluumeysiga iyo saliidda iyo gaaska? 

Haddaba, adigoo si taxaddar leh uga fikiraya isku-dheelitirnaanta u dhaxeysa labadaasi.  

Marka la eego dhinaca halisaha, mid ka mid ah halisaha ugu waaweyn ee ay Soomaaliya wajahayso waa amniga. Marka xitaa dhinaca badda la eego, waxaan aragnaa dib u soo noqoshada burcad-badeedda. Waa in aan si degdeg ah uga shaqeynaa sidii aan u maareyn lahayn arrintaasi si aanay mar kale u fidin. 

Marka la eego dhinaca Al-Shabaab sida iska cad, dowladda waxay xoogaa horumar ah ka gaartey ololaha la-dagaalanka Al-Shabaab. Laakiinse dhab ahaantii waa muhiim in guulahaasi la joogteeyo iyo marka dhul cusub dib loo xoreeyo, dowladu waa in ay si degdeg ah ula timaadaa waxyaabo xasilooni dhalin kara si dadka shacabka ah loo tuso in la-jirka dowladda ay ka wanaagsan tahay la-jirka Al-Shabaab.  Taasi macnaheedu waa bixinta adeegyada talinta sharciga, adeegyada aasaasiga ah, iyo suuragelinta in ay nolol wanaagsani ku noolaadaan dadka ku dhaqan degaamada ay Al-Shabaab gacanta ku hayn jirtay.

Halis kale oo aad u weyn waa isbeddelka cimilada, oo aan aaminsanahay in ay nala joogto. Waa in la noolaanaa. Xitaa haddii aan ku guuleysano in aan si tartiib tartiib ah u yareyno kaarboon laba ogsaydhka (CO2) ku darno atmosfeerka, waxaa durba jira in badan oo ay tahay in aan la noolaanno.  Sidaa daraadeed, Soomaaliya waa in ay u diyaar-garowdaa xaaladahaasi cimilada oo ayna ka fekertaa dhaqaale adkeysi leh oo, marka dambe laga yaabo in uu ka guuro reer-guuraanimo una guuro dhaqaale nooca xeebaha ah.

Fursadda ugu dambeysa ee aan arko waa in Soomaaliya ay kursi ka hesho Golaha Amaanka sannadka soo socda, haddii wax kastaba ay noqdaan sidii laga rabey. Taasi waxay Soomaaliya u suuragelinaysaa in ay muujiso nafteeda, iyo safarkeeda, balse waxay sidoo kale muujinaysaa in Soomaliya ay tahay dal hadda heshiis ah, dariskiisana heshiis la ah, oo la rajeynayo in uu awoodo in uu gacan ka geysto xallinta dhibaatooyinka caalamka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

  • Fikradaha

    11-08-2024

  • 07:20AM

Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 12:26PM