Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Image
Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida lawada og-yahay, collaadda hadda ka dhextaagan Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid ka dhalatay Isafgaradkii Abiye Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

Arrinkaas waxaa looga dooday Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS,kaddibna waxaa la geeyey Golaha Shacabka oo go'aan cad kasoo saaray.

Shalay ilaa maanta waxaan maqlayaa Turkey ayaa Heshiis dhex-dhexaadin ah Soomaaliya u keentay,oo Soomaaliya ayaa Itoobiya siinaysa Dhul-badeedkeeda(Saylac).

Waxaan la yaabanahay sida fudud ee Madaxda Qaranku u wajahayaan Masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya lasiiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya;waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka,dhulka,cirka iyo badda Soomaaliya.

Waxaan uga digayaa xitaa haddii Itoobiya ka laabato Is-afgaradkii(MOU),waa in aan sinaba looga aqbalin helitaanka Badda Soomaaliya.

Dhanka kale, dib-u-eega Biyo xireenka Wabiga Nile(Grand Ethiopia Renaissance Dam),oo Itoobiya Xoog iyo xeelad ku bilowday 02 April 2011,diiddey in ay Masar iyo Suudaan kala Xaajooto:maanta xaggee xaalku marayaa-intaas itoobiyo shaqada hoos ayey ka wadatey ilaa ay hadda soo gaartey meel aan waxba laga qaban karin.

Maanta Masar Biyo xireenka ma weerarikarto,oo hadday sidaa samayso Masar Daadad ayaa qaaday,sidaasna waxaa guuli ku raacda Itoobiya.

Soomaaliya waxaa ku filan,Itoobiyo oo ku soo deysa "10 Million Oroma" ah,marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow Gumeysi iyo xaqiijinta Riyaddii Itoobiya ee Boqolaalka sano.

Waxaa caqliga salimka ah diidayaa in Turkey oo shay balan qaadday in ay Soomaaliya ka difaacayso Itoobiya ay maanta ku talinayso Bixinta Badda Soomaaliya!!

Gunaanadkii, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Villa Soomaaliya uga digayaa in uusan gelin khiyaano Qaran;in uusan Badda Soomaaliya ka iibin Itoobiya;in uusan Itoobiya u oggolaan marin-Baddeedka Soomaaliya.

Xildhibaanada sharafta leh ee ku dhaartay Kitaabka,waxaan u soo jeedinayaa in ay fadhiga ka kacaan oo maanta Dalkeena bedbaadshaan;waa taarrikh mugdi gelindoonta jiritaankeena ummadeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah waxaan leeyahay,shalay waad diiddeen Isafgaradkii ee maanta diidda gumeyso iyo in dhulkiina iyo baddiina bilaash lagu bixiyo.

Mar 2aad, mar 3aad iyo mar 4aad,Madaxweyne Xasan waxaan uga digayaa Saxiixidda Qoraal Khiyaano Qaran ah iyo in uu Ummada Soomaaliyeed u horseed Gumeysi-dhuleed.


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxay u gaar u tahay qofka ku saxiixan kama turjumeyso siyaasadda guud ee warsidaha Garowe Online

Related Articles

Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 12:26PM

C/raxmaan C/shakuur: Xasan Sheekh waaqaca xiriir lama lahan

Xildhibaanka oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadal-jeedintii madaxweynaha ku weeraray dhalinyarada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 09:07AM