Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Image
Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhallinyaradu waa kuwii shacabka Soomaaliyeed ka korqaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waligoodna u taagnaa dhismaha iyo horumarka dalka, maantana ku sugan furimaha dagaalka si ay u ciribtiraan khawaarijta.

Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow.

Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan.


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxay gaar u tahay qofka ku saxiixan kama turjumeyso siyaasadda guud ee warsidaha Garowe Online

Related Articles

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

  • Fikradaha

    11-08-2024

  • 07:20AM

C/raxmaan C/shakuur: Xasan Sheekh waaqaca xiriir lama lahan

Xildhibaanka oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadal-jeedintii madaxweynaha ku weeraray dhalinyarada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 09:07AM