Fursada dahabiga ah ee Soomaaliya ku dhow dahay in ay lumiso
MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaaf siyaasadeed oo kasoo dhex-cusboonaaday dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, ayaa halis gelin kara rajada ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha adduunka ee IMF iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah dhamaadka sanadkan 2023, sidda ay ka digteen saraakiisha iyo khubarada maaliyadda.
Deynta ay Soomaaliya looga leeyahay dibadda ayaa lagu qiyaasay in ka badan 5 bilyan oo doolar. Mareykanka ayaa ah qaan-bixiyaha ugu badan kaasoo dhiibay aduun lacageed dhan hal bilyan oo doolarka Mareykanka.
Waddamada u qalma in ay helaan deyn-cafiska waxaa shuruuda koowaad ah in ay ballan-qaadaan isbeddel dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyo sidoo kale dhimista faqriga iyo xasilloonida siyaasadeed.
Hay’adda Transparency International ee aan macaash doonka ahayn ayaa Soomaaliya ku tilmaantay mid ka mid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka.
Warbixin ay soo saartay Transparency International sanadkii 2022-ka ayay ku sheegtay in Soomaaliya ay ugu hooseyso marka laga hadlayo hanaanka daahfurnaanta dhinaca maaliyadda.
"Waxaa barbar socda rabshado joogto ah, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kala diray laba hay’adood oo muhiim u ah la-dagaalanka musuq-maasuqa," ayay raacisay warbixinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabaya walaacaasi ayaa Khamiistii saxiixay awaamiir ka dhan ah musuq-maasuqa oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado sharcinimada iyo kalsoonida hay’adaha maaliyadda dalka.
Subaxnimadii hore ee isla Khamiistii, Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxa ay ku ansixiyeen awaamiirta ka hortagga musuq maasuqa, ka hor inta aanu Madaxweynuhu ansixin kuna baaqin in si degdeg ah loo fuliyo awaamiirta.
Sida uu qabo Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, Laaluushka aan tooska ahayn, isku day musuq-maasuq, baadda, laaluushka sarkaalka ajnabiga ah iyo lacagaha la lunsado waa dambi.
“Cafinta deymaha waxay rajo weyn u tahay Soomaaliya inay dib u soo ceshato maqaamkeeda maaliyadeed ee beesha caalamka, waxayna u ogolaaneysaa dalkeenna inuu dib ugu soo laabto dhaqaalaha adduunka ka dib 30 sano oo dibad joog ka ahaa,” ayuu yiri dhaqaaleyahan sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo la hadlay VOA.
Mas’uulkan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn la hadalka warbaahinta ayaa sheegay in haddii ay sii jiraan musuq-maasuqa iyo murannada siyaasadeed ee aan loo baahnayn in Soomaaliya ay lumin doonto fursad dahabi ah oo deymaha lagu leeyahay looga cafin karo.
Aragtida Soomaaliya ayaa weli mugdi ku jirta, iyadoo la saadaaliyay in kororka wax soo saarka dalka ee 2022 uu yahay 1.9%, waa hoos u dhac aad u weyn marka loo eego 2.9% uu ahaa sanadkii 2021, iyadoo la saadaaliyay in sicir bararka uu gaaray 9% halkii uu ka ahaa 4.6% sanadkii kasii horeeyay ee 2021, sidda ay shaacisay hay'adda IMF.
GAROWE ONLINE