"Hadalkii gafka ahaa" oo cadaadiska ku kordhiyey Sacdiya
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isa soo taraya baaqyada xooggan ee loo jeedinayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka federaalka Sacdiyo Yaasiin Samatar kadib hadal-jeedinteeda buuqa dhalisay.
Codsiyada oo baraha bulshadda loo marinayo ayaa u badan "ka cudurdaarasho gafka ka dhacay" halka dad qaar ay u soo jeedinayaan in ay baneyso xilka ay haatan ku fadhiso.
Shaqsiyaadka u jeedinaya dalabyadan ayaa cuskanaya laba qodob oo gaf ah kuwaasoo ku jiray hadalkeeda isla markaana kala ah; "waa lawada gaaloobayaa" iyo "Ragga ayaa diinta ka hor-baxaya".
Inkasta oo hadalkeeda u badnaa caraabin iyo cannaan loo jeedinayo ragga Soomaaliyeed iyo ka damqasho tacadiyada loo geysto dumarka, gudoomiye Sacdiya ayaa sidoo kale aad u taageertay sharci la isku haysto.
Sharcigaas ayaa wuxuu yahay kan Jinsiga. Dadka kasoo horjeeda xeerkan oo ay ku jiraan culimo Soomaaliyeed waxay ku doodayaan in uu fasaxayo guurka dadka isku jinsiga ah.
Balse wasiirka wasaaraddii soo diyaarisay xeerka ee Wasaaradda Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay kusoo qortay Facebook waxa ay si kooban u sheegtay in aanan la meelmarin doonin sharci ka dhan ah diinta Islaamka.
Sacdiyo lafteeda hadalkaasi waa ay sheegtay, balse waxaa aad uga xoog batay oo baraha bulshadda ku faafay hadaladii kale oo ay xitaa culumada ka hadleen.
Sacdiyo ayaa u hanjabtay shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshadda haysta baasaboorada dalalka kale, iyada oo sheegtay in laga qaadi doono baasabooradaasi haddii ay ka hor-yimaadaan ansixinta sharcigan.
Buuqa ka dhashay hadalada Sacdiyo ayaa sii xoojiyay culeys siyaasadeed oo markii horeba ka haystay gudaha baarlamaanka kaasoo ku saabsanaa in uu socdo abaabulo mooshin la doonayo in gabi ahaanba xilka looga qaado.
GAROWE ONLINE