Hal-xiraalaha wali la xalin ee ku xeeran askarta ku maqan Eritrea
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddex bilood gudaheeda wuxuu socdaalkiisa labaad ku tagay caasimadda waddanka reer galbeedka sida ba'an u cunaqatabeeyeen ee Eritrea.
Konton iyo shan maalmood kadib markii lagu doortey Teendhada Afasiyooni ee Muqdisho ayuu bishii July 9-keeda sanadkan 2022 ku aadey Casmara socdaalkiisa koowaad oo si weyn isha loogu hayey.
Mar kale isaga oo xafiiiska ugu sareeya Soomaaliya jooga muddo ku suntan 179 maalmood ayuu bishan November 10-keeda sanadkan 2022 wuxuu ku gaarey Asmara booqashadiisa labaad.
Inkasta oo booqashooyinkan ay soo afjareen hubanti la'aantii ku saabsaneyd nolol iyo geeri waxay ku sugan yihiin askarta, haddana illaa haatan kama jawaabin hal-xiraalaha goorta ay soo laabanayaan.
Sidda maamulkii ka horeeyay, Madaxtooyada ayaa xadidey macluumaadka ay dadweynaha kala wadaageyso socdaalka marka laga reebo faafinta sawirada booqashada madaxweynaha ugu tagayo dhalinyarada.
Villa Soomaaliya oo u muuqata in kaamirooyinkeeda la damiyo marka madaxwaynuhu tago Eritrea ayaa illaa haatan waxa aysan dadweynaha la wadaagin khudbadaha uu Xasan Sheekh u jeediyey askarta.
Jimcahii, muuqaal ay Madaxtooyada ka faafisay booqasho uu Xasan Sheekh ugu tagay ciidamo Soomaali ah ee Eritrea bareyso cilmiga cirka ayaa la dhaliilay markii madaxwaynuhu uu askari waydiiyey gobolka uu soo jeedo.
Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa noqdey isha koowaad kaliya ee laga helo xogta. Bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa fariisin u noqotey cid kasta oo raadinaysa macluumaadka madaxweynaha.
Sabtidii shalay kahor inta uusan dalka dib ugu soo laaban, madaxwayne Xasan Sheekh oo la hadlay ciidamo kala duwan oo Eritrea tababareyso ayaa u sheegay in dowladiisa aad ugu kalsoon tahay, sida laga soo xigtey Meskel.
Hab-dhaqanka faafreebida macluumaadka ayaa aad loogu dhaleeceeyay maamulkii Farmaajo. Dadka sidda weyn u uga soo horjeeday waxaa kamid ah Xasan Sheekh kaasoo hadda u muuqda mid dowladiisa ay isla jidkaas hayso.
GAROWE ONLINE