Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u socdaalay Eritrea

Image
Waa waddankii afaraad uu u safro tobbankii maalmood ee lasoo dhaafay, sidda ay muujineyso qiimeytii ugu dambeysay.

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa u socdaalay Eritrea. Dhigiisa Isaias Afwerki ayuu kala hadlayaa arrimo ay kamid tahay soo celinta askarta Soomaaliya loo tababaray.

"Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah," ayay tiri Villa Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.


Waa socdaalkiisii labaad uu madaxwayne xasan Sheekh Maxamuud Eritrea ku tago tan iyo markii la doortey 15-kii May, 2022. Waana waddankii afaraad uu u safro muddo tobban cisho gudaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib u qabsaday tuulooyin Al-Shabaab ka baxday 

Howlgalka wuxuu ku bilaawday si habsami leh iyadoo aan dhibaato weyn jirin. Waxaan la wareegnay sagaal goobood oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:39AM

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo digniin ka bixiyey xaaladda siyaasadeed ee cakiran ka hor doorashada

Intaa waxaa dheer, Sheekh Shariif ayaa cambaareeyay wax-ka-beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.

  • Soomaliya

    10-12-2025

  • 09:18AM