Isgaarsiinta iyo amniga Soomaaliya: Halka sirtu ka qurunsan tahay
MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in askarta dowladda federaalka ay isticmaalaan isgaarsiin u gaar ah oo aanan ahayn kuwa shirkadaha maxaliga ah.
Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo u waramay idaacadda VOA-da ayaan kala caddeyn haddii uu kala jeedo inta howlgaladu socdaan iyo isticmaalka maalinlaha ee ciidamadda.
Askarta iyo hogaanka ciidamadda ayaan ahayn wax qarsoon in ay isticmaalaan isgaarsiinta shirkadaha gudaha xataa iyaga oo jooga furimaha dagaalka oo ay kula soo xiriiraan qoyskooda iyo dhexdooda.
Balse, hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Al-Shabaab ay ka mamnuucdey adeega iyo gaadiidka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ka shaqeeyaan dhulka ay ka taliso.
Ciqaab wadareed
Xayiraada ayaa kusoo hagaagaysa xilli ay qeybo kamid ah dalka ka soconayaan howlgalo bilihii lasoo dhaafay hakad galay hase ahaatee dowladdu sheegtay in ay ku qabsatay tobanaan degaano ah.
"Xayiraada waan maqalnay laakiin wax saameyn ah naguma yeelan doonto waayo isgaarsiin noo gaar ah ayaan leenahay," ayuu Caanood sheegay isaga oo cuksanaya raadiyeyaasha ciidamadda kuwada xiriiraan.
Shirkadda Hormuud ayaan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray. Balse, bilooyin kahor waxay cambaareysay weerar ay Al-Shabaab kaga burburisay anteeno degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.
"Al-Shabaab waxay go'aankan ku qarinayaan xogtooda, waxa ay diidayaan in shacabka ay nala soo wadaagaan xogta ku saabsan meelaha ay ku dhuumanayaan iyo waxa ay samaynayaan," ayuu Caanood tibaaxay.
Isgaarsiinta iyo amniga
Xeeldheereyaasha amniga oo qaba in uu xiriir weyn ka dhaxeeyo amniga iyo isgaarsiinta ayaa farta ku fiiqay in jiritaan la’aanta diiwaangalinta lafta taleefoonka ay sahlayso in cid kasta ay ku adeegato.
Qaraxyada, dilalka qorsheysan iyo weerarada ayaa la abaabulaa iyada oo la adeegsanayo isgaarsiinta gudaha. Ma jirto sifo hay’adaha amniga ku dabogali karaa cidda fududeysay.
Shirkadaha ayaa dhankooda waxaa lagu dhaliilay in aysan laamaha amniga la wadaagin khatar ammaan. Sharciga cusub ee isgaarsiinta ee la meelmariyay 2017-kii ayaa weli ah qalfoof maadaama aan la dhaqangalinin.
Hay’adda isgaarsiinta qaranka oo mar dhow la dhisay ayay u taalaa shaqo culus oo ay ugu horeyso diiwaangalinta dadweynaha qaadanaya lafta taleefoonka si loo sugi karo amniga haddii aan la sameyna cawaaqibkeedda leh.
GAROWE ONLINE