Istaraatiijiyad ay Al-Shabaab ay lasoo shir-tagtey oo laga digay
WASHINGTON, USA - Al-Shabaab ayaa u muuqata muuqata in ay adeegsaneyso istaraatijiyad ay horey u isticmaashay oo ah in aysan dagaalka dowladda u gelin sidda xukuumadda u qorsheysay, sidda ay sheegeen khuburo.
Xeel-dheereyaasha oo u waramay Barnaamijka Galka Baarista ee laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa hoosta ka xariiqdey in ay istaraatiijiyadan ay tahay in ay ka baxaan goobaha ay haatan gacanta ku hayaaan
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay miisaaniyadii ugu ballaarneyd abid ee sanadka 2023-ka oo ah 967 milyan oo dollar, balse dakhliga gudaha ayaa ah mid aad u yar, saddex meelood labo meel miisaaniyada waxa ay ka timaadaa taageero dibadda ah. Miisaaniyaddaasi waxa ay 113 milyan oo dollar u qoondaysay oo loogu talagalay ciidamada qaranka.
Dib-u-gurashada Shabaab
Khubarada dhanka amniga iyo sirdoonka ayaa sheegaya in ay mas’uuliyad ka saaran tahay hay’adaha kale ee dowladda sida booliiska, nabadsugidda iyo ciidamada qalabka sida in ay ciidamada uga fududeeyaan xasilinta deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab.
Sarkaal hore uga tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Abuu Ayaan ayaa VOA-da wuxuu u sheegay in "dib-u-gurashadan" ay leedahay halis "haddii aan laga tabaabusheysan".
"Magaalooyinkii ay difaaci jireen ma difaacayaan," ayuu yiri Abuu Ayaan. "Intii ay ka fogaan lahaayeen, waxay ku wareegayaan kaymaha u dhow magaalooyinka, ka dibna waxay dib ugu soo celiyaan magaalada kuwa is-miidaamiya".
Cadaawada bangiyada
Abuu Ayaan ayaa sidoo kale wuxuu xusay in Al-shabaab ay bilaabeen in ay lacagahooda kala baxaan Bangiyada, kadib markii dowladda ay xayirtay dhaqaalihii ay ku jirtay, ayna xirtay boqolaal xisaabaad oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxda.
"Waxay abuureen cadaawad dhanka bangiyada," ayuu tibaaxay. "Waxa kale oo ay u yeereen shirkadihii iyo ganacsatadii oo ay ka codsadeen in ay siiyaan lacagtii ay ku doonayeen in ay dhawr sano ka hor siiyaan, si ay lacag badan u urursadaan, waxa kale oo ay ka dhimeen kharashaadkoodii".
Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa wacad ku maray in dowladda ay ka go'an tahay in Al-Shabaab ay ka ciribtirto guud ahaan waddanka sanadkan aan hadda ku jirno ee 2023-ka.
Howlgal saf-ballaaran ah
"Waad sii diiwaan-gashan kartaa, sanadka 2023-ka waxaan rabnaa in aan qof Al-Shabaab ah lagu arkin dhul Soomaaliyeed," ayuu yiri Xuseen oo magaaladda Washington ugu waramay idaacadda VOA-da.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah waxa uu martigeliyey shir ay yeesheen madaxda dalalka “jiidda hore” ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
War-murtyeedka kasoo baxay kulankaas ayaa hoosta looga xariiqay howlgal wadajir ah kana dhan ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida. Dabcan, tani waa fursad ballaaran. Balse, lama ogga in Soomaaliya ay ka faa'iideysan doonto.
GAROWE ONLINE