Jahwareerka ku gedaaman tababarada la siiyo ciidanka Soomaaliya

Image
Mareykanka ayaa kamid ah dalal dhowr ah oo Soomaaliya kala taliya, kana caawiya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

NEW YORK, USA - Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dalal dhowr ah oo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya kala taliya, kana caawiya dagaalka ay kula jirto maleyshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa liiska ku jira dhinacyadda Midowga Afrika, Turkiga iyo Uganda, Britain, Imaaraadka Carabta, Eritrea iyo Masar kuwaasoo dhankooda kaalin mug leh ciyaara.

Jahwareerka ku gedaaman taageerada ayaa caqabado waaweyn ku ah taliyayaasha Ciidamadda Soomaaliyeed ee mas'uulka ka ah isku dhafka qaybaha kala duwan ee dagaalka kuwada jira.

"Ciidamada cusub waxaa meelo kala duwan ku tababara dalal kala duwan oo leh habab tababar oo kala duwan, falsafado, qalab iyo xitaa luqado," ayuu New York Times u sheegay Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika u qaabilsan kooxda xasaradaha caalamiga ah ee ICG kuwaasoo fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi.

Mahmood ayaa waxa uu intaa ku daray: "In uusan jirin saldhig midyesan waxay si lama huraan ah u adkeyneysaa dadaallada lagu horumarinayo ciidan qaran oo isku xiran".

Dhinaca kale, todobaadkii hore ayay aheyd markii wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ay abaal marin cusub oo dhan 5-milyan oo dollar ku yaboohday cidii keenta xog cadeynta ama goobta uu ku sugan yahay afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamed Raage.

Raage, oo sidoo kale loo yaqaan Cali Dheere, ayaa ahaa madaxa afhayeenka kooxda tan iyo 2009. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inuu ku lug lahaa qorsheynta weeraro ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya.

Tan iyo markii dib loo doortey bishii May 15, 2022, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dardargeliyey guluf milatari oo ka dhan ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxaana lagu xoreeyay degaano badan.

Maamulka Xasan ayaa qorsheynaya adeegyo lagu xasilinayo deegaanada dhowaan la xoreeyay, waxaana uu isku dayayaa in uu la sameeyo iskaashi xooggan oo uu la yeesho madaxda maxaliga iyo xulafada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM