Jawaabaha saddex su'aalo oo ku xeeran siyaasadda Gedo
KISMAAYO, Jubaland - Xiisado siyaasadeed ayaa 48-dii saac ee ugu dambeysay kasoo cusboonaaday gobolka Gedo, kuwaas oo si isku mid ah u gilgiley dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.
Fahfaahino dheeraad ah ayaa soo bandhigaya sida ay ku dhaceen waxyaabihii ugu dambeeyay kuwaasoo ka jawaabaya saddex su'aallood oo ku gadaaman xaaladda calawsan ee gobolkan.
Safarka Fartaag iyo Janan?
Kadib markii muddo bilooyin ah laga hortaagnaa in ay cag saaraan gobolka Gedo, ayay ugu dambeyn maalintii Jimcaha tageen gobolkaasi, halkaasi oo ay durbadiiba ka bilaabeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed.
Warar ayaa sheegaya in dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland aysan ka war qabin safarka siyaasiyiinta iyo waliba qorshaha ay meesha u tageen, taasi badelkeeda labadan dhinacba waxa ay ka mideysnaayeen in aysan gobolka tagin cid wadda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aysan iyaga ka warqabin, waana sababta dhawr jeer oo hore mas’uuliyiintan looga celiyay garoonka Aadan Cadde iyaga oo doonayay in ay Gedo gaaraan.
Hadda waxa ay arkeen fursad cusub oo ay ku tagi karaan Gedo, waxa ay diyaarad shacab subaxnimadii hore ee Jimcaha ka raaceen garoonka Wilson Airport ee Nairobi, kadibna waxa ay ka dageen garoonka Mandheere ee xuduudda ku yaala, halkaas oo ay uga gudbeen magaalada Balad Xaawo.
Yaa fududeeyay socdaalkooda?
Fursad kale oo ay ka faa’iideysteen ayaa ah dilka taliyihii NISA ee Gedo Col Bakaal Kooke oo ay raggani si toos ah isku hayeen, markii uu meesha ka baxayna ay arkeen fursad ay halkaasi ku tagi karaan, kagana hawlgali karaan.
Markii ay gaareen Balad Xaawo waxaa halkaas ugu yimid ciidan ka amar qaata sakgaal sare oo Xoogga Dalka ka tirsan oo lagu magacaabo Niiniile, kaasi oo geeyay illaa Dooloow, amnigoodana sugay.
Warar aan sugnayn ayaa tibaaxaya in dowladda Kenya ay illaa xad wax ka ogeyn socdaalkan. Balse ciidamada Itoobiya ee Gedo jooga ayay kasoo baxeen farriimo is diidan, markii hore waa ay diideen in siyaasiyiinta soo dhaafaan BaladXaawo, balse markii dambe waa ay ogolaadeen, waxaana xusid mudan in todobaadyo ka hor siyaasiyiintan ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa.
Macluumaad kale ayaa ka shanqarinaya in laga yaabo in agaasimaha NISA Mahad Salaad uu maalmaha soo aadan tago Gedo isla markaana uu tuhunsan yahay in Janan iyo Fartaag xiriir la leeyihiin maamulkii Farmaajo.
Kadib maxaa dhacay?
Senator Cabdullaahi Fartaag iyo Cabdirishiid Janan waxa ay markiiba heshiis la gaareen guddoomiyihii gobolka Axmed Buule Gareed, kaas oo saacado gudahood soo saaray waraaqado uu xilalka uga qaadayo mas’uuliyiinta illaha daqliga ee Gedo, kuwa cusubna ku magacaabayo.
Waxa kale oo uu diiday magacaabistii taliyaha cusub ee NISA ee Gedo, isaga oo soo magacaabay mas’uul kale. Wararka aan ka helnay dhanka dowladda federaalka ayaa sheegaya in wasaaradda Gaashaandhigga ay canaanatay taliye Niiniile, islamarkaasna ugu yeertay magaalada Muqdisho, inkasta oo aanan la ogeyn in amarkaasi uu u hoggaansami doono iyo in kale.
Sidoo kale, warbixino ayaa sheegaya in dowladda ay amar siisay ciidamada Gorgor ee halkaasi ka jooga si ay garbihiisa u buuxiyaan taliyaha cusub ee NISA, maadaama uu garabka dowladda ka baxay guddoomihii Gedo Axmed Buule.
Dhanka Jubbaland, xog ayaa muujinaysa in madaxweyne Axmed Madoobe uu aad uga damqaday dhaqdhaqaaqa socda. Wadahadal degdeg ah ayuu qadiyadan kala yeeshay dowladda federaalka. Balse, lama ogga maxsuulka uu dhalay.
GAROWE ONLINE