Kacdoonka baluuga Laascanood: Dhamaadka dooda gooni-isu-taagga?

Image
Magaalada ayaa martigelinaysa kulan looga hadlayo mustaqbalka gobolka Sool - maamul ahaan - kaasoo isha lagu haayo natiijadiisa.

GAROWE, Puntland - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa gaaray Garaado kala duwan maalmihii lasoo dhaafay iyada oo la filayo in dhawaan uu halkaasi uu ka furmo shirwaynaha aayo ka tashiga bulshada.

Madax dhaqameedyada tagay magaalada ayaa si weyn loosoo dhaweeyay. Dadweynaha ayaa isu-soo-baxyadda u qaatay calanka Soomaaliya. Erayo taageeraya midnimada Soomaaliya ayay ku qaylinayeen.

Xubno kamid ah guddi dhawaan looga dhawaaqay magaaalada Jig-jiga ayaa qayb ka ah wafdiga garaadka waxaana la filayaa in ay ku biiraan masuuliyiinta ka shir-san Laascaanood.

Kacdoon ka dhan ah joogitaanka Somaliland ee gobaladaas ayaa dhawaan ka curtay Laascaanood iyada oo dadwaynaha wada dibad-baxyadu ay ugu magac dareen ''kacdoonka buluugan".

Dhimashada haween iyo dhalinyaro ayaa laga diiwaan-geliyay intii dibad-baxyadu ay socdeen iyada oo dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland PUNSAA ay ku tilmaameen in ay dhaceen danbiyo biniaadannimo.

Wafdi masuuliyiin ah oo ka socda Somaliland ayaa magaalada tagay waxaana hogaaminayay Gudoomiyaha golada wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyada oo ay xubno ka yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka warfaafinta.

Dhawaan guddi ka kooban 33 xubnood oo ay iska xuleen bulshada magaalada ayaa soo saaray baaq ay ugu yeerayaan Somaliland in ay gabi ahaanba isaga baxdo gobalka Sool.

Natiijada shirkan ayaa si weyn isha loogu haayaa. Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ayaa la sheegay in ay taageeri doonan go'aankan. Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn waxaa isku haysta Somaliland iyo Puntland.

Qadiyada Laascaanood ayaa sidoo kale waxay cadaadis siyaasadeed ku noqotay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxayna abuurtey rajo ku saabsan dhamaadka aragtida gooni-isu-taagga oo Somaliland sheegato tan iyo 1991-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markii Xeerarkii Caalamiga Ahaa Daciifeen: Somaliland iyo Aragtida Hindiya

Go’aanka Israa’iil waxa uu yimid iyadoo dunida inteeda kale ay wajahayso xaalado kala duwan…

  • Faalada Warka

    03-01-2026

  • 05:03AM

Ma Aqoonsi Somaliland baa mise waa Hoggaankii Soomaaliyeed oo horey u Fashilmay?

Tallaabada Israa’iil qaadday oo ay ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland waa mid …

  • Faalada Warka

    26-12-2025

  • 09:26PM