Laascaanood: Dilka shacab, duqeynta xarumo caafimaad iyo barakac
HARGEYSA, Somaliland - Labadii bilood ee lasoo dhaafay, Laascaanood ayaa waxay astaan u noqotey dilka dadka shacab ah, duqeynta xarumo caafimaad iyo barakac kumanaan ruux oo aan waxba galabsan.
Dhamaan arrimahan ayaa ka dhashay dagaal xarunta gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka kadib uu qabsoomay shir looga soo horjeedo maamulka Hargeysa.
In ka badan 100 dhimasho ah
Illaa haatan, waxaa la xaqiijiyey in labadii bilod lasoo dhaafay ay Laascaanood ku geeriyoodeen in ka badan 100 qof shacab ah. Si gaar ah, todobadii maalmood ugu dambeysay waxaa dhintey 58 qof.
Magaalada ayaa gashay xaaladii ugu sareysay oo milatari ah. Dadweynaha ayaa u qaxay degaanadda ku teedsan. Dad kooban oo la socda ciidamadda degaanka ayaa kusoo haray magaaladda.
Duqeymo aan kala sooc lahayn
Isbitaaladda ayaa la kulmay duqeymo aan kala sooc lahayn. Tani waxay carqaladeysay howlihii loo fidin lahaa dhaawacyadda. Hay'adaha samafalka ayaa ka digay in xaalad bini'aadatinimo oo aad u xun.
Sahayda bini'aadantinimadda ayay codsadeen in lo fasaxo magaalada. Dadka degaanka ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay xayiraad saartey hay'adaha deeqda bixiya wallow maamulka uu beeniyey.
Hanjabaadda ka timid Mareykanka
Dadka deegaanka ayaa sheegay in la duqeeyay guryo iyo xarumo caafimaad intii uu dagaalku socday, waxaana xuseen in ay ku dhinteen ku dhawaad 58-qof oo shacab ah, tiro kalena ku dhaawacmeen.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada ay tahay in la joojiyo "haddii kale ay ka dhalan doonto dambiyo dagaal".
Codsi ka yimid Qaramadda Midoobay
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, lana ilaaliyo dadka rayidka ah, iyo gargaarka bani’aadanimo oo aan la carqaladeyn.
Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya, balse ma helin aqoonsi caalami ah oo ku aaddan maqaamkeeda waxaana aduunka u arkaa maamul hoostaga dowladda federaalka ah.
GAROWE ONLINE