Laascaanood ma waxa ay gashay kaalintii Darbigii Baarliin ee jabay?

Image
Dabcan, wadahadalo iyo dadaalo diblumaasiyad dheeraad ah ayay u baahan doontaa in qeybaha kale ee gobolada waqooyi.

GAROWE, Puntland - Sanadka markii uu ahaa 1991-dii waxaa midoobay labadii qeybood ee Jarmalka ee kala ahaa Bariga Jarmalka iyo Galbeedka Jarmalka. Tani ayaa timid markii uu jabay darbigii Baarliin ee mudada sodonka sano ah kala go'doominaayey labadaas qeybood ee halka waddan isku ahaa.

Isla sanadkaasi, gobolada waqooyi ee Soomaaliya ay ku dhawaaqey in ay ka go'een Jamhuuriyadda Soomaaliya, lana baxeen Somaliland, iyada oo dalka la dhex dhigay wax la mid ah darbigii Baarliin, balse aanan muuqanin.

Dambiga ugu weyn oo xabsi lagu muteysto ayaa laga dhigay in qofka lagu arko wax muujinayo astaamaha Soomaaliya, gaar ahaan calanka, iyada oo ay dhacday in qof loo xirey in uu sameeyay cabbitaan midabo buluug ah ka muuqdo.

Sodon sano kadib hadda waxa ay u egtahay in uu burburey darbigii Baarliin ee aanan muuqanin kadib markii boqolaal dhalinyaro iyo haween ah ay dhagxaan kala hortageen ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa magaalada Laascaanood bishii Diseembar ee sanadkii tagay.

Waxyaabihii dhacay wixii taariikhdaasi ka dambeeyay waxa ay noqdeen waxyaabo galay taariikhda oo ah mid weli sii qormaysa, balse waxa hadda la hubo ayaa ah in calanka buluugga ah ee Soomaaliya uu si xarago leh uga dul baba’nayo magaalada Laascaanood.

Bulshadii ku dhaqnayd xarunta gobolka Sool ayaa dhankooda waxa ay go’aansadeen in ay hoos tagaan dowladda federaalka, islamarkaasna aaminsanyihiin dastuurka ku meelgaarka ah.

Shir Golaha Wasiiradda oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa go’aamiyay in dowladda ay aqoonsatay go’aanadii garaadada iyo bulshada Sool, kuna dhaqaaqday talaabo ah in ay gargaar noocyo kala duwan ah u dirtay.

Inkasta oo aanan la ogeyn halka ay wax ku dambeyn doonaan, waxa la hubo ayaa ah in Laascaanood ay hadda qaadatay kaalintii taariikheed ee Darbigii Baarliin, wixii hadda ka dambeeyana aysan wax kasta sii ahaan doonin sidii ay horey u ahaayeen.

Dabcan, wadahadalo iyo dadaalo diblumaasiyad dheeraad ah ayay u baahan doontaa in qeybaha kale ee gobolada waqooyi lagu soo celiyo miiska wadahadalka ee Jamhuuriyad loo dhan-yahay, la wada leeyahay, isku xuquuqna laga yahay, balse Laascaanood waxay furtay quful muddo dheer la furi waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM