Laba arrin oo ku xeeran hubka uu Mareykanka siiyey Soomaaliya
WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa Axaddii waxa uu ku dhawaaqay in dowladda federaalka Soomaaliya uu siinayo $9 milyan oo gargaar milatari oo cusub "si loogu caawiyo ololaha ballaaran ee socda kana dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab".
Waa markii ugu horeysay oo taageero militari oo toos ah tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii hore 2022 waxa uu ku dhawaaqay "dagaal saddex jiho ah".
Matt Bryden, oo ah khabiir dhanka ammaanka ah, isla markaana ah aasaasaha hay’adda Sahan Research, oo ah hay’ad ka faalloota Geeska Afrika, ayaa ku tilmaamay deeqdan cusub inay tahay "mid taageeraysa dadaalka maamulka Xasan uu kula dagaallamayo kooxda xagjirka ah".
"Balanqaadkii dhawaan Mareykanka ee ahaa in uu taageero militari oo dheeri ah siiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waa astaan kalsooni," ayuu yiri Bryden oo u waramay VOA-da.
Waxa uu raaciyey: "Ma ahan lacag aad u badan, balse waxay astaan u tahay in lagu kalsoonaan karo horumarka laga gaarayo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya".
Jabinta cunoqabateynta hubka?
Taageeradan milatari ayaa kusoo hagaagtey xilli sanadkii hore la dabciyey cunoqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya loona fasaxay Muqdisho in ay hesho hub fudud si ay u wiiqdo Al-Shabaab.
Cabdicasiis Isaack, oo ah khabiir dhanka amniga ah oo ka tirsan xarunta xadaaradda Xamad Bin Khaliifa, ayaa sidoo kale waxa uu VOA u sheegay in xirmada cusub ee milateri ay muhiim u noqon doonto ciidamada Soomaaliya oo heysta hub kooban.
Isaack ayaa sheegay in kaalmada milateri ay Soomaaliya ka caawin doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay hakad ugu jireen saanad la'aan.
Waxa uu intaasi ku daray in caqabada ugu weyn ee heysata Milliteriga Somalia ay tahay inay heystaan Hub la mid ah kan Al-Shabaab — taasi oo adkeyneysa inay guulo ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ugu badan ee taageera ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan garabkooda Kumaandooska, ciidamada gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo loo tababaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dhaca magaalooyinka.
GAROWE ONLINE