Laba arrin uu ku guuleysan karo wajiga labaad ee gulufka Al-Shabaab

Image
Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalkan milatari.

NEW YORK, USA - Saddexda dal ee deriska ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo cusub ku biirinaya wejiga xiga ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda uu sheegay la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa caddeeyay in cutubyadan aysan kamid ahayn howlgalka ku meelgarka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Matt Bryden, oo ah khabiir dhinaca amniga gobolka Geeska Afrika, ayaa VOA-da u sheegay "in faragelinta ciidamo dheeraad ah oo aan ka tirsanayn ATMIS ay soo dadadejin doonto ciribtirka Al-Shabaab".

Laakiin, wuxuu intaas ku daray, "Maadaama ay DFS [Dowladda Federaalka Soomaaliya] iyo saaxiibadeeda ay telefishin ku baahiyeen ujeeddooyinkooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala eryaan dagaalyahannadooda, kana fogaadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo toos ah intii suurtagal ah".

Bryden oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka digay in guusha wejiga labaad ee gulufka haatan la abaabulayo ay ku xirnaan doonto laba arrimood oo muhiim ah.

"Marka hore, qorsheyn," ayuu yiri. “Howlgallada ka dhanka ah argagixisada waa in ay noqdaan kuwa sirdoon ah oo si cad loo qeexo ujeeddooyin ay ka mid yihiin burburinta saldhigyada gaarka ah ee Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo hoggaamiyeyaasha jihaad doonka ah ee qiimaha weyn leh".

Sidda laga soo xigtey Bryden, arrinta labaad ayaa ah "in la heli karo ciidamo si loo sugo ammaanka dhulka cusub ee dib loo soo celiyay ka dib markii ciidamada nadiifinta ay soo mareen".

"Howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada DFS kula dagaalamayeen Al-Shabaab ee ka dhacayay bartamaha Soomaaliya waxay muujinayaan in aysan jirin ciidamo awood u leh inay qabtaan goobaha la xoreeyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee wajiga labaad ee howlgalka safka ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo raadinaya taageero isugu jira gudaha dalka iyo dibadaba.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa haatan waxa uu booqasho ku joogaa magaaladda Kismaayo halkaasoo uu ka wado abaabul baaxad weyn oo ay qeyb ka yihiin taliyeyaasha ciidamadda xoogga iyo wasiirka difaaca, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM