Maraykanka oo si qaas ah u maamuusay taliyihii laga dilay Danab

Image
Cutubkan kumaandooska ah ayaa ah qisada guusha ee ee hawlgalada Maraykanka ee Geeska qaaradda Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xamse Cabdi Bare iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Andre Larry ayaa saldhigga Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose u tagay munaasabad xero halkaasi ku taala oo loogu magac darayay taliyihii Danab ee Al-Shabaab ku dileen dagaalka bishii hore.

Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Tuuryare) oo ka mid ahaa dhallinyarada saraakiisha ciidanka ee ugu tababarka wanaagsan, lahaana tayooyin iyo xirfado sare oo xagga hoggaaminta ciidanka ah ayaa lagu diley weerar Al-Shabaab ay kusoo qaadeen xero isaga iyo ciidankiisa ay ka degenaayeen degaanka Galcad.

Xogta weerarkan ayay dowladda xakamaysay, mana aysan sheegin faahfaahinta wixii meeshaasi ka dhacay, balse waxaa la isku waafaqsanyahay in weerarkaasi uu ahaa kii ugu darnaa xagga qasaaraha iyo saameyntaba dhanka dowladda, iyada oo uu kalifay in waxyaabo badan laga badelo qaabka ay u hawlgalaan ciidanka Danab.

Dowladda Maraykanka oo si gaar ah u maalgalisa ciidanka Danab, islamarkaasna wax ka leh go’aanada hawlgalinta ciidanka ayaa u muuqata in ay dareemayso in mas’uuliyad dheeraad ah oo ka dhalatay weerarkii ay ciidamada iyo taliyaha ku dhamaadeen.

Wararka ayaa tibaaxaya in ka sokow in xerada tabobarka loogu magacdaro taliye Tuuryare, sidoo kale wax ka badan labo jibaar ay dowladda Maraykanka magdhow qoyskiisa ka siisay dhimashada marxuumka.

Danjire Andre Larry ku qaabilay aabaha dhalay Taliye Tuuryare, waxaana la sheegay in si hoose looga wada hadlay kaalmo iyo magdhow ay dowladda Maraykanka siinayso qoyskaasi.

Warbixinadda qaar ayaa waxay tibaaxayaan in xubno ka mid ah qoyska shaqooyin laga siinayo safaaradda ama danaha uu Maraykanka ku leeyahay Geeska Afrika.

Ka hor weerarkii lagu diley Tuuryare, ciidamada Danab ayaa ah qisada guusha ee ee hawlgalada Maraykanka ee Geeska Afrika, iyada oo uu daraasado badan ku sameeyay natiijooyinka askarta. Tani waxay soo dadajisay in la kordhiyo tiradda cutubkan kumaandooska ah iyadda oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 3,000 askari ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM