Midowga Afrika oo shaacisay mowqifkiisa xayiraada hubka Soomaaliya

Image
Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgalo militari oo ka dhan ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku booriyay in cunaqabateynta hubka laga qaado shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in aysan hadda ka soo bixin ujeedadii laga lahaa.

Falanqeeyayaasha qaar, ayaa sheegaya in Soomaaliya ay wali la daalaa dhacayso sidii hubka loogu tala galay in lagu sugo ammaanka uusan ugu dhicin gacanta argagixisada.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah madaxa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa ka dhawaajiyay baaqyo ah in la qaado cunaqabateynta.

Souef ayaa xusay in loo baahan yahay dadaallo caalami ah oo wadajir ah si loo ilaaliyo guulihii la gaaray sanadihii la soo dhaafay iyo in la hubiyo cadaadiska joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Waa in aan taageernaa hoggaanka SSF [Ciidanka Amniga Soomaaliya], oo aan qabanno aagagga la xoreeyay oo aan la wareegno FOB-yada [xarumihii hore ee hawlgallada]," ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray: “Ciidankan waxa ay u baahan yihiin dhaqaale ay kula dagaalamaan Al-Shabaab, isla markaana ay ku xasiliyaan goobaha cusub ee laga saaray.

Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgalo militari oo ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay ku dhowdahay in la bilaabo wajiga labaad ee duullaanka loogu magac daray howlgalka Libaax-madow.

Si ka duwan wajigii hore oo ay ku lug lahaayeen ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyo dadka degaanka ah, wejiga labaad wuxuu taageero ka heli doonaa ciidamo dheeraad ah oo ka socda Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ka dib heshiis ay wada galeen bishii Janaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markii Xeerarkii Caalamiga Ahaa Daciifeen: Somaliland iyo Aragtida Hindiya

Go’aanka Israa’iil waxa uu yimid iyadoo dunida inteeda kale ay wajahayso xaalado kala duwan…

  • Faalada Warka

    03-01-2026

  • 05:03AM

Ma Aqoonsi Somaliland baa mise waa Hoggaankii Soomaaliyeed oo horey u Fashilmay?

Tallaabada Israa’iil qaadday oo ay ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland waa mid …

  • Faalada Warka

    26-12-2025

  • 09:26PM