Guulaha ay NISA sheegato: Ii dheh mise shaqo loo bogay?

Image
Su'aallaha taagan waxaa kamid ah sida dableyda uga gudubtey ugu yaraan shan boro kontrool.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa wajahaysa dhaleeceyn kadib markii ay ku guuldareystay in ay ka hortagto weerarkii Al-Shabaab ee Villa Rays Hotel.

Booliska ayaa xaqiijiyey in dableyda is-miidaaminta ku gashay dhismaha ay gaareyso lix uu mid kamid ah isku-qarxiyey banaanka, halka shanta kalana ay toogasho ku dileen laamaha ammaanka federaalka.

Goobta la beegsadey ayaa dhowr talaabo waxay u jirtaa xafiisyadda ugu sareeya madaxda dalka - madaxwayne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamse - kuwaas oo dhankooda wali ka hadlin dhacdadan.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka falceliyey weerarkan ayaa tuhun ka keenay qaabka kooxda hubeysan uga gudubtey ugu yaraan shan baro kontarool oo kasoo sukeeya meesha ay wax ka dhaceen.

"Ii dheh cajiib ah"

Xidhibaan Dayax Axmed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa is-waydiiyay sababta NISA u hesho macluumaadka gudaha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida balse uga hortagi wayday duulaankan.

"Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo meelaha kale xogta ka keena ee Madaxtooyadda aan ka warqabin ayaan la yaabay. Ii dheh waaye cajiib," ayuu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Aqalka Sarre oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wuxuu xoojiyey tuhunka ku saabsan in weerarkan uu yahay "mid la fududeeyay".

"Wax la qaadan karo maahan in Villa Rossa AlShabaab ay soo galaan. Goobtan ayaan loo ogaleen xitaa askarta nala jirto in ay kasoo gudbaan hadan baaburta aan saaraneen annigo meel aagas ku dhow degan. Yaa Al-Shabaab ah, yaase [ahayn]" ayuu sii raaciyey.

"Amnigu isku halayn ma galo"

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka, Cabdisalaam Guuleed oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa su’aal ka keenay qaabka Al-Shabaab ku gashay Villa Rose Hotel oo ku dhow Madaxtooyadda.

"Waa meel xiran oo ay adag tahay in qof caadiya iska soo maro ama soo gaaro, sababtoo ah, waa meel ammaankeeda aad loo ilaalsho. Dhinaca kale waxa ka xiga xarunta Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir Godka Jilacow," ayuu caddeeyay.

Inta la og-yahay, Guuleed oo waqti-xaadirkan aan wax xil ah ka hayn dowladda federaalka ayaa hadalkiisa wuxuu sii raaciyey: "Al-Shabab ka meeshaan galay cirka kama soo degin, dhulkana kama soo bixin ee wadooyinka ayay ku yimideen".

Tan iyo 15-kii May, 2022, Soomaaliya waxaa ka dhacay saddex weerar oo muddo saacado ay ay rag ka tirsan Al-Shabaab ku haysteen Hotel waxaana ugu waqti dheeraa Xayaat Hotel oo ay ku jiraan ku dhowaad 31 saac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM