Saddex aragti oo ku xeeran sharciga la dagaalanka argagixisadda
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay wuxuu si aqlabiyad leh ku meelmayey sharciga la dagaalanka Argagixisada.
Sharcigan ayaa ujeedkiisu yahay in la helo hannaan sharci oo ka caawin doona hay’adaha amniga dowladda in ay si wanagsan ula dagaalamaan iyo ciribtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, ayaa ku tilmaamay sharciga mid dhabaha u xaaraya nabadda iyo xasiloonida dalkan dhaca Geeska Afrika.
Caawinta hay'adaha ammaanka
"Sharcigani wuxuu muhiim u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, wuxuuna imaanayaa xilli aan aad ugu baahanahay inaan gudano mas'uuliyadda qaran ee ka hortagga falalka iyo ciribtirka argagixisada," ayuu yiri Salaad.
Dadka dhaleeceeya sharciga ayaa sheegaya in ay ka walaacsan yihiin "sida uu sharciga u qeexayo cidda argagixisada ah, iyaga oo ka digay in ansixinta sharciga ay siin karto hay'adaha amniga dowladda awood xad dhaaf ah oo aan la xakameynin".
Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa waxa uu ka mid yahay xildhibaanadii aad uga hor-yimid sharcigan xilliyadii doodaha ay socdeen, isaga oo ku baaqay in dib-u-eegid lagu sameeyo kahor inta aan la ansixin.
Xarig amar "maxkamad la'aan"
"Xitaa haddii madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha maanta ay niyad wanaagsan leeyihiin, wuxuu yiri, ma garanayno cidda mustaqbalka iman doonta, [oo] mar haddii sharcigan uu yahay sharci qaran...ma doonayno inuu saameyn ku yeesho muwaadiniinta aan waxba galabsan," ayuu hoosta ka xariiqay.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in sharcigan cusub aanu hay’adaha dowladda ugu ogolaan in ay si fudud u soo xiraan dadka la tuhunsan yahay iyadoo aan amar maxkamadeed la soo taagin.
Macalimuu oo horey uga mid ahaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku dhowaad shan jeer waxa uu ka badbaaday weeraro ay maleyshiyaadka Al-Shabaab doonayeen in ay ku khaarijiyeen.
Looma "adeegsano" siyaasad
"Sharcigani waxa uu siinayaa hay’adaha amniga [ansixinta] in ay weeraraan oo ay soo qabtaan tuhmanayaasha argagixisanimada iyadoon amar maxkamadeed la helin, taasina waxay ka hor imanaysaa dastuurkeena,” ayuu yiri Macalimuu. "Sidaas darteed, sharcigani waa inuusan ka hor imaan dastuurkayaga".
Laakin Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa sheegaya in sharcigan wax laga bedelay intii ay doodaha socdeen iyadoo si cad loo qeexay Argagaxisada.
"Sharcigani waxa uu ujeedkiisu yahay ururrada iyo kooxaha argagixisada ee la yaqaan, qeexitaankiisuna waa cad yahay. Looma adeegsan doono arrimo siyaasadeed," ayuu carabka ku adkeeyay Mahdi.
GAROWE ONLINE