Saddex bar oo ay ka guntameyso doorashada hogaanka Jubaland

Image
Bishi April, 2023 ayaa la filayaa in maamulka galo jawi doorasho. Coddeynta ayaa u muddeysan August, 2023.

KISMAAYO, Jubaland - Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay gasho xilli doorasho bisha April si loo soo doorto gole baarlamaan iyo madaxweyne cusub bisha Agoosto 2023. Maamulka wuxuu xuduud dhan 681 kilomitir (423 mayl) la wadaagaa Kenya.

Hannaankii doorashada 2019-ka ee kusoo baxay Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ahaa xifaaltan kala dhaxeeyay hogaanka dowladda federaalka ee xilligaas jiray. Nairobi ayaa kamid ah dhinacyada la safanaa.

Xiriirka Nairobi iyo Muqdisho

Isla mar ahaantaana, Kenya waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay in ay wadato ajanda iyadda u gaar ah oo ay u muuqato mid uu ku taageersan yahay Axmed Madoobe iyo in ay isku-dhacsanaayeen hogaankii xilligaas jiray.

Waxa kaliya ee la fahmi karayey markaas ayaa ahayd mar haddii Kenya ay Muqdisho ay isku hayeen muranka badda. Waqtigu wuu is beddelay, xiriirka dib ayaa loo qeexay natiijada. Is-mari-waaga Muqdisho iyo Nairobi wuu soo afjarmay.

Isbadalka dhacay waxaa qeyb ka ah doorashaddii 15-ka May ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo maamulka Axmed Madoobe iyo xukuumadda Nairobi.

Heshiiskii saamileyda ee Nairobi

23-kii April 2020 magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa waxay martigelisay shirka ay Kenya garwadeenka ka aheyd una dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo golaha isbadal doonka Jubbaland.

Qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: In Axmed Madoobe uusan mar kale isa-soo-sharaxin, iyo in laga mamnuucay inuu faraha la galo hannaanka doorashada 2023. Heshiiska ayaa waafaqsan yahay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland.

Ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab

Dhamaadka bishii hore, waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay shir madaxeedka wadamadda hogaamiyeyaasha deriska la ah Soomaaliya ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo la doonayo in lagu soo afjaro Al-Shabaab. Ololahan wuxuu dhabaha u xaarayaa in sanadkan 2023-ka la ciribtiro xoogaga hubeysan. Lama ogga sidda loo waafujin doono qabashadda doorashadda maamulka.

Arrimahan is-dul-saaran ayaa go'aamin doona doorashadda Jubaland iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Axmed Madoobe kaasoo dhowrkii bilood lasoo dhaafay talaabooyin fiican ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah kooxda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM