Saddex gacan oo isku badashay gacan-ku-haynta Xarardheere
DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxda Soomaaliya ayaa waxay todobaadkan u dabaaldegeen "xoreynta magaalada dekada leh ee Xarardheere" taasoo ay galeen ciidamadda isku-dhafka ah ee dowladda federaalka ah.
Hogaanka xukuumadda ayaa la wareegida degmadan ku tilmaamay "guul weyn" oo u soo hooyatay Soomaaliya iyo "talaabo dhiiragelin u ah" gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.
Xarardheere oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa soo martey saddex mar-xaladood kuwaasoo sawir guud ka bixinaya sidda ay ahmiyad gaar ah ugu leedahay howlgalada ammaan.
Geed-fadhiga shufta-badeeda
Sannadkii 2011-kii, Xarardheere ayaa waxay ahayd dekedda ugu weyn ee ay ka howlgalaan isla markaana ay gacanta ku haayaan kooxaha burcad-badeedda ee haatan kasii dabar-go'aya Soomaaliya.
Dadka la socda arrimaha shufta-badeeda ayaa sheegaya in ay ahayd geed-fadhiga ay kusoo xiraan maraakiibta ay kasoo qafaashaan badaha isla markaana ay halkaas uga qaadan jireen madax-furasho.
Isha dhaqaale ee Al-Shabaab
Markii ay la wareegeen xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida, isha dhaqaale ugu weyn ayay noqotay. Lacago ayay ka qaadan jireen badeecadaha kasoo daga iyo waliba kuwa laga dhoofiyo.
Intaas waxaa wehlisa, marsadda ayaa ahayd meel ay kasoo degsadaan hubka ay sida qarsoodiga ah uga soo iibsadaan dalalka deriska ah gaar ahaan Yemen ayna uga soo dagaan ajaaniibta Carbeed.
Nolol cusub iyo caqabad horleh
Kadib howlgal la qorsheynayay muddo afar todobaad ah, Xarardheere ayaa dib ugu soo laabatay gacanta dowladda. Waa bilowga nolol cusub balse ay ku wareegsan yihiin caqabado waaweyn.
Tan ugu daran uguna horeyso, waa muhiimada ay leedahay in la nadiifiyo degaanada ku teedsan. Intaas waxaa wehlisa, in loo dhameystiro adeegyadda dowliga taasoo haddii aysan dhicin, guusha dib u cuni doonta.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in wajiga labaad ee "howlgalka xoreynta dalka" uu ka bilaaban doono Koonfur Galbeed iyo in Al-Shabaab "laga ciribtiri doono Soomaaliya sanadkan 2023-ka".
GAROWE ONLINE