Saddex qodob oo "jiis ka dhigaya" halganka ciribtirka Al-Shabaab
MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaan awood u yeelan doonin in ay ka adkaadan Al-Shabaab iyadda oo aan xal waara loo helin qodobadan, sidda uu sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Aqalka Sarre ee dalka.
Samatar oo maqaal ku daabacay warsidaha The East African ayaa xusay in la aaminsan yahay in tiradda ciidamadda xoogga ay gaarayaan 20,000 isu-darkooda. Qiyaaso kale waxay soo jeedinayaan in ay dhan yihiin 15,000 – 18,000.
Agab yar iyo hogaan xumo
"Balse, caqabado kale ayaa ka hortaagan in ay ka awood-roonaadan maleyshiyaadka Al-Shabaab. In aysan haysan agabka laga maarmaanka ah iyo hogaan xumo ayaa qeyb ahaan loo aaneynayaan," ayuu ka dhawaajiyey mudanaha.
Sida laga soo xigtey aqoonyahanka oo faaladiisa aad uga sheekeeyay mar-xaladaha Al-Shabaab, dhibaato ale oo taagan ayaa ah "in qabyaadda ay ka horeyso waddaniyadda iyo kartida ay ahayd in lagu socod-siiyo ciidamadda qaranka".
Kalsooni la'aan siyaasadeed
"Intaa waxaa dheer, gobollada qabaa'ilku waxay leeyihiin ciidan u gaar ah oo hubaysan sababtoo ah waxaan kalsooni isku-qabin dowladda federaalka iyo iyaga [dowlad goboleedyadda]," ayuu carabka ku adkeeyay Borofeesarka.
Xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogay Soomaaliya kadib markii uu qarxay dagaalka sokeeye ayuu ka shanqariyey in ay tahay qodob kale maadaama ay dalka ka mamnuuceyso inuu soo iibsado hub awood badan.
Cunaqabateynta dhanka hubka
Dowladda federaalka ayaa waqti badan gelisay in laga qaado xayiraadda hubka oo la cusbooneysiiyey dabayaaqada sanadkii hore 2022-ka. Hase ahaatee, maamulka Xasan Sheekh ayaa u muuqda in uusan wali la rajo dhigin ka guulgaarida arrinkaas.
"Cunaqabateynta ayaa xaddiday awoodda dowladda Soomaaliya si ay u joogteyso dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Falalkaasi waxay sii xumeynayaan kala qaybsanaanta Soomaalida ka dhex jirta halkii ay dadka midayn lahaayeen," ayuu kusoo xiray.
Dadaaladda iyo horumaradda
Cusbooneysiinta xayiraadda hubka ayaa sidoo kale waxaa lagu muujiyey in Soomaaliya horumar ka sameysay ilaalinta rasaasta taasoo u ogolaaneysa in ay hesho garneeladda garbaha laga gano iyo gaadiid qaar ee looga baahan yahay furimaha dagaalka.
Talaabadan ayaa dhabaha u xaartey in dowlado uu Mareykanka ku jiro ay Muqdisho ku taageeraan hub cusub iyo gaadiid. Kuwa kale oo ay kamid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa dhankooda lagu waddaa in ay safkaas kusoo biiraan.
GAROWE ONLINE