Saddex qodob oo ka cusub ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Dowladda ayaa isku diyaarineysa inay furimo cusub ka furto koonfurta Soomaaliya, sidda uu ku dhawaaqay wasiirka difaaca.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo bishii Luulyo, howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa sababay in ay guulo waaweyn ka gaaraan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamada dowladda ee ku sugan Jubaland ay qaadeen tallaabo hor leh oo ay Al-Shabaab uga qabsadeen Janaay Cabdalle oo ah deegaan istiraatiiji ah.

Jubaland oo xuduud dheer la wadaagta waddanka Kenya ayaa waxay ka mid tahay shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daahfurka furimo cusub

Iyadoo ololaha uu galay bishii sideedaad ee Febraayo, dowladda federaalka ayaa isku diyaarineysa inay furimo cusub ka furto koonfurta Soomaaliya, sidda uu ku dhawaaqay wasiirka difaaca.

Ismaaciil Daahir Cismaan, taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in Shabaabku ay dib u gurteen, tan iyo markii ay Dowladdu bilowday inay taageerto maleeshiyo beeleedyada deegaanka ee dagaalka kula jira.

“Tan iyo markii uu billowday duullaanka dowladdu ay ku taageerayso shacabka degaanka, kuwaasoo qaati ka taagan cadaadiska kooxda, Al-shabaab waxay luminaysay deegaanno iyo tuulooyin ay horay ugu sugnaayeen gobollada dhexe," ayuu yiri.

"Daciifnimada" kooxda

Wuxuu sii raaciyey: "Waxaa mahad leh howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah iyo saaxiibo shisheeye, oo uu ku jiro Mareykanka," ayuu yiri.

Korneyl C/llaahi Cali Macow oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in ay isku raacsan yihiin in xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay sii daciifeyso awoodooda.

"Waa wax iska cad in Al-Shabaab ay sii lumineysay dhulka lagana saaray magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ay maamulayeen in ka badan 10 sano, sida Xarardheere oo ah magaalo xeebeed horena u ahayd xarun burcadbadeed oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya qabsadeen 16-kii Janaayo," ayuu yiri.

Xasuusta xagaagii 2006-dii

Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu raaciyey: "Waxaan u maleynayaa inay tahay bilawga dhamaadka". Aragtidan waxaa sidoo kale aaminsan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xitaa haddii dib u gurashada kooxdu ay sii socoto, ma ahan markii ugu horreysay oo maqaamka kooxaha argagixisadda Soomaaliya ay soo gaarto guuldarrooyin dhowr ah.

Sannadkii 2006-dii ayay dhacdey markii ay ciidammo ka tirsan dowladdii KMG ahayd oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya ay muddo bilo ah ku jabiyeen Maxkamadihii Islaamiga ee haystay Muqdisho iyo deegaanno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM