Saddex talaabo oo mudan in la qaado kadib shirka culimada
MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 300 culimo oo todobaadkii hore shir ku yeeshay caasimadda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab.
Falanqeeyayaasha dhanka ammaanka oo ay soo xigatay VOA-da ayaa waxay aaminsan yihiin in kaalinta culimada ay tahay tallaabo kale oo muhiim ah oo Al-Shabaab looga adkaan karo.
Cabdicasiis Isaaq, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ka tirsan Hamad Bin Khalifa Civilization Center, ayaa tibaaxay in dowladdu ay ku saxan tahay inay wadaadada soo geliso ololaha.
Kordhinta dhaqaalaha wasaarada Diinta
"Culimada, si la mid ah odayaasha qabaa'ilka Soomaaliya, waa kuwo saameyn badan leh," ayuu yiri. "Al-Shabaab waxay ku tiirsan tahay inay leexiso caqiidada Islaamka si ay u iib-geyso fikirkooda, sidaas darteed culimadu waxay si wax ku ool ah uga hortagi karaan sheekadaas iyagoo kala saaraya runta iyo beenta".
Isaaq ayaa sheegay in inkastoo Al-shabaab ay ku faafiyaan fikirkooda masaajidda iyo warbaahinta xiriirka la leh, haddana laga yaabo in dowladdu ay ka hortagto qisooyinkaas, marka loo eego tirada culumada taageersan.
"Al-Shabaab sidoo kale koox culimo ayay leeyihiin, laakiin way yar yihiin, haddii dhammaan culimaa’udiinka taageersan dowladda ay isku biiraan si fudud ayay uga hortagi karaan,” ayuu xusay.
Baaris ka dhan ah Imaamyada Masaajida
Wuxuu raaciyey: "Dowladdu waxay u baahan doontaa inay kordhiso dhaqaalaha ay siiso wasaaradda arrimaha diinta iyo in la baaro imaamyada si loo hubiyo inaysan Al-shabaab soo gelin masaajidda".
Sida uu sheegay Axmed Cabdihadi Cabdullaahi oo ah aasaasaha xarunta Somali Civic House, shirka culumada iyo dhaqaaqooda ka dhanka ah Al-Shabaab waa tallaabo weyn oo looga hortagayo in kooxda ku been-abuuratooda diinta.
"Culimada in ay meel isugu yimaadaan oo ay caddeeyaan in fikirka Al-Shabaab uusan ku saleysneyn diinta Islaamka waa tallaabo wanaagsan oo wax badan ku soo kordhin karta dagaalka afkaarta ah ee lagula jiro kooxda," ayuu yiri Cabdullaahi.
Ka hortagga dilalka madaxa-jabiska ah
Cabdullaahi ayaa caddeeyay in mowqifka cad ee culumaa’udiinka ay tahay hadal adag marka loo eego dilalka qorsheysan ee Al-Shabaab ay u geysaneyso culimada taageera dowladda.
“Al-Shabaab ayaa horay culimo badan u laayay, culimadaas shirka ka qeyb gashayna way yimaadeen inkastoo khatartaas jirta," ayuu yiri: "Dowladda iyo ciidamadeeda hadda ma awoodaan inay sugaan ammaanka culimada, balse hadda dilalka qorsheysan ee ay fulinayaan kooxdu si tartiib tartiib ah ayey u yaraadeen".
Dowladda Soomaaliya ayaa rajaynaysa in haddii ay taageero ka hesho culimada ay guulo ka gaarto dagaallada ay kula jirto Al-Shabaab oo tan iyo markii ay soo baxday sannadkii 2007-dii sabab u noqotey dhiig badan.
GAROWE ONLINE