Saxaafadda Soomaaliya oo ka gaabsatay qadiyadda Laascaaood

Image
Warbaahinta caalamiga ah iyo tan fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa iyadu sheekada kaga kaaftoontay tabinta goosgooska ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkasta oo waxyaabaha ka dhacaya Laascaanood ay yihiin dhacdooyinka ugu muhiimsan wararka gayiga Soomaalida xilligan marka la eego xaaladaha ku gedaaman iyo wax ka dhalan kara, haddane waxaa aad u yar hay’adaha warbaahinta Soomaalida ee wakiilo u dirsaday magaaladaas si ay usoo tabiyaan hawlaha ka socda.

Waxa ay warbaahinta inta badan ku tiirsantahay muuqaalada ay shacabka soo gudbiyaan, iyo wariyeyaal deegaanka u dhashay oo marar badan laga yaabo in ay la dareen yihiin shacabka magaalada.

Tiro yar oo wariyeyaal madaxbanaan ayaa tagay magaalada maalmihii ugu dambeeyay, kuwaas oo sii dhex jiiray dhul xaaladiisa amni ay cakirantahay, meelaha qaarna ay joogaan ciidamada Somaliland oo diidan in xogta saxda ah laga soo tabiyo magaaladaas.

Marka laga eego xagasha warbaahinta, waxyaabaha Laascaanood ka dhacaya waa kuwa taariikhi ah oo ay mudantahay in dhammaan saxaafadda ama inteeda badan ee madaxa banaan ay goobjoog u noqoto, si sawir buuxa looga helo waxyaabaha halkaasi ka dhacaya.

Gobolada Sool iyo Sanaag waxa ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyada oo maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland ay doodiisa laf dhabar u tahay xudduudii Ingiriiska dhigay, taas oo ay gacan ku haysteeda la wareegeen dhawr iyo tobon sano hadda ka hor.

Dadka ku banaanbaxaya Laascaanood iyo Garaadada shirayaba waxa ay wataan calanka Soomaaliya, waxayna toos u sheegayaan in ay hoos tagayaan dowladda Soomaaliya.

Shirweynaha Garaadada iyo guddiga farsamada ee Laascaanood ka biloowday Sabtidii ayaa si kastaba u mudnaa in uu helo tabin toos ah, iyo kasoo waran ka badan inta hadda kasoo muuqanaysa shaashadaha.

Waxaa arrintan si gaar ah uga gaabiyay warbaahinta fadhigeedu yahay Hargeysa iyo Garoowe, labadaasi oo si la fahmi karo uga cago jiidaya in ay ka xanaajiyaan maamulada Puntland iyo Somaliland oo labaduba sheeganaya dhulka Sool iyo Sanaag.

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa iyadu sheekada kaga kaaftoontay tabinta goosgooska ah , mana jiro dedaal muuqda oo ay ku bixinayaan in ay xogta rasmiga ah helaan ama weriyeyaal u diraan.

Waxa kasoo baxa shirka Laascaano ayaa ugu dambeyn saamaynta ugu weyn ku yeelan doona wadahalada Somaliland iyo dowladda Federaalka, waaba haddii ay miis iskugu yimaadaan mar kale, inkasta oo dadka qaar ay saadaalinayaan in Somaliland hadda uusan u harin dookh aanan ahayn in ay miiska wadahadalka kusoo laabato, kana tanaasusho gooni isu taagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM