Soomaaliya: Dooda muddo kororsiga oo soo rogaal-celisay
MUQDISHO, Soomaaliya - Dooda muddo kororsiga ayaa waxay dib ugu soo laabatay saaxada siyaasadda Soomaaliya iyadda oo wax ka yar hal sano uu jiro nidaamka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkasta oo aysan wali aad u xooganeyn, haddana guuxa ayaa banaanka u soo baxay markii mudaneyaal ka tirsan Golaha Shacabka la sheegay in ay saxiixeen mooshin qadiyaddan la xiriira.
Wallow guddoonka uusan arrinkan si furan wali u caddeyn mowqifkiisa, mooshinkaas ayaa la sheegay in uu dalbanayo in shan sano laga dhigo muddo xileedka hay'adaha fulinta heer federaal iyo maamul.
Qorshahaas ayaa durba waxa uu la kulmay is-qabqabsi iyo diidmo siyaasadeed oo ka imaanaysa qaar kamid ah xoogaga siyaasadeed ee dalka oo uu ku jiro madaxwayne hore Shariif Sheekh Axmed.
Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay "in la sameeyo sanad muddo kororsi ah, taasina ay kasoo horjeedo dastuurka kumeelgaarka ah".
Himilo Qaran ayaa xustey in heshiiskii Baydhabo bishii hore lagu gaaray ee mudada sanadka ah loogu daray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen "uu yahay mid aanan sharciga waafaqsanayn".
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeyntan. Balse, illo dhow waxay xaqiijiyeen in uu Villa Soomaaliya ka jiro guux ku saabsan in doodan ay tahay "carqalad siyaasadeed oo la abuurayo".
Muddo xileedka shanta sano waa mid ay ka wada simanyihiin maamulada, balse waa arrin cusub oo sanadkii hore soo korortay, una muuqata in hormuudka siyaasadda ee dalka ay illaa xad isku waafaqsan yihiin.
Jubbaland, Hirshabeele iyo Galmudug ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in loo ogolaaday in muddo sanad ah ay ku darsadaan. Lama ogga ujeedada ka dambeysa "is-fahamkan siyaasadeed ee shacabka laga qariyey".
Sikastaba ha ahaatee, haddii ay xoogeysato doodan waxaa laga cabsi qabaa in ay horseedo qalalaase siyaasadeed taasoo dhaawac weyn gaarsiin karta yoolka Xasan Sheekh ee ah in Al-Shabaab laga adkaado 2023-ka.
GAROWE ONLINE