Soomaaliya: Jubaland oo gogol-xaar ka wadda Afmadoow

Image
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada laga dajiyay dhawr boqol oo ciidamada federaalka ah.

KISMAAYO, Jubalnad - Waxaa magaalada Afmadoow ee Jubada Hoose gaaray wafti heer sare oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland Jeneraal Dhuumaal, kana mid yihiin taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Bagmadoow iyo taliyaha ciidamada Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.

Qorshaha ayaa waxa uu yahay in gogol-xaar loo sameeyo hawlgalka Jubbaland ay ku doonayso in ay Al-Shabaab kaga saarto magaalooyinka iyo degmooyinka ay haystaan, iyada oo Afmadoow loo aqoonsaday in ay tahay xarunta dhexe ee hawlgalkani.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa hadda soo maraya degaanka Janaa Cabdalle oo Afmadoow u jirta 60 KM, waxaana la qorsheynayaa in ciidanka iyo dhaqdhaqaaqooda ay is qabsadaan illaa Afmadoow.

Qorshaha ayaa waxaa qeyb ka ah in la jeexo waddooyin haloosi ah si ciidamada iyo gaadiidka wada saanadda ciidan ay isaga dalandoolaan si dhib la’aan ah maadaama aanan la heli karin gaadiid xagga cirka ah oo diyaar ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Afmadoow laga dajiyay dhawr boqol oo ciidamada federaalka ah, kuwaas oo duulimaadyo looga keenay magaalada Dhooblay oo ay muddo fadhiyeen.

Arrintan ayaa muujinaysa iskaashi sii xoogaysanaya oo dhanka ciidamada ah oo u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka ah, iyada oo Jeneraal Cali Maxamed Bagmadoow ay u tahay markiisii ugu horeysey oo uu Afmadoow tago tan iyo intii sanado ka hor loo magacaabay hoggaanka taliska 43-aad.

Taliyaha ayaa muddo yar gudahood heli doona illaa kun askari oo ah kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona hawlgalka Jubbaland.

Jubbaland ayaa doonaysa in si tartiib tartiib ah ugu duruqdo goobaha ay Al-Shabaab haystaan iyada oo si weyn looga taxadarayo dhagarta kooxdani oo ku xeeldheer in ay abaabulaan weeraro gaadmo ah oo khasaaro laxaad leh gaysta halkii mar taasoo suurtagal ah in ay dharbaaxo ku noqoto howlgaladda ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markii Xeerarkii Caalamiga Ahaa Daciifeen: Somaliland iyo Aragtida Hindiya

Go’aanka Israa’iil waxa uu yimid iyadoo dunida inteeda kale ay wajahayso xaalado kala duwan…

  • Faalada Warka

    03-01-2026

  • 05:03AM

Ma Aqoonsi Somaliland baa mise waa Hoggaankii Soomaaliyeed oo horey u Fashilmay?

Tallaabada Israa’iil qaadday oo ay ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland waa mid …

  • Faalada Warka

    26-12-2025

  • 09:26PM