Tirada weerarada iyo dhimashada ay Al-Shabaab geysatay 2022-kii

Image

WASHINGTON, USA -  Dhaqdhaqaaqyada gacan-ka-hadalka ee ay ku lug-leedahay Al-Shabaab ayaa kordhay 23% gudaha Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay 2022, sidda ay ku warantay xarunta Africa Center.

Sida laga soo xigtey warbixintan oo la daabacay Isniintii shalay ahayd, falalkan amni darro oo isugu jira qaraxyo, weerar toos ah iyo dilal qorsheysan ayaa wadar ahaan dhan 2,553.

"Tani waxay ka dhigan tahay 37 boqolkiiba dhammaan dhacdooyinka xagjirnimada ee Afrika, wax yar ka yar marka loo eego gobolka Sahel," ayaa la raaciyey qormadan uu arkay Garowe Online.

Saamiga ugu badan Afrika

Faallada ayaa la raaciyey: "Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay tan iyo 2007-dii oo Soomaaliya aysan helin saamiga ugu badan ee sanadlaha ah ee dhacdooyinka rabshadaha wata ee qaaradda".

Dhanka kale, sanadkii la soo dhaafay ayaa 133-boqolkiiba waxaa korodhay heerka dhimashada ee lala xiriirinayo maleyshiyaadka Al-Shabaab gaar ahaan dilalka ay ka geystaan Soomaaliya.

"Isku-dar ahaan, waxaa jiray 6,225 dhimasho ah oo la sheegay in lala xiriiriyay Al-Shabaab 2022-kii, taasoo ka badan 2,606 oo ay geysteen sanadkii hore," ayay xarunta sii raacisay.

Qaraxyada miinooyinka ah

Africa Center ayaa waxay intaas kusii dartey: "Tani waa heerkii ugu dambeeyay ee dhimashada waxayna dhaaftay wadarta guud ee sanadihii kasii horeeyay ee 2020 iyo 2021, marka la isku daro".

Intaas waxaa wehlisa, kroor boqolkiiba 34 ah oo la xiriira weerarada qaraxyadda miinooyinka dhulka lagu aaso ah ayaa lasoo wariyeyey sanadkii la soo dhaafay iyo laba jibaar geerida ka dhalatay qaraxyada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 613 qof oo rayid ah la dilay 948 kalena lagu dhaawacay 2022-kii, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen walxaha qarxa oo ay al-Shabaab sheegatay.

Jileyaal kale oo aan la garan

"Tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada ammaanka ee dowladda, maleeshiyo beeleedyo, iyo jileyaal kale oo aan la aqoonsan ayaa sidoo kale mas’uul ka ahaa khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah," ayay xustey.

Jileyaasha aan la aqoonsan ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay yihiin diyaaradaha drones-ka ee fuliyaa duqeymaha dhanka cirka ah waxaana aalaaba geysta Mareykanka iyo Turkiga.

Al-Shabaab oo gacan-saar la leh shabakada Al-Qaacida ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay tahay garabka ugu weyn uguna dhaqaalaha badan ee ururkaas waxaana hogaamiye u ah Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM