Xasan Sheekh oo quful saarey albaabkii heshiis siyaasadeed

Image
Madaxda maamulada ayuu ku waaniyay in ay "danahooda soo marsadaan" mudaneyaasha ku matala federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si shaac baxsan ugu dhawaaqay in maamulkiisa uu soo xiray cutubkii ahaa in dalka lagu hago heshiis siyaasadeed oo madaxda maamulada qeyb ka yihiin.

Taas badalkeeda, Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda in ay fariimahooda ay soo dhex-marsadaan mudaneyaasha ku matala goleyaasha heer federaal – baarlamaanka iyo xukuumadda.

"Reer Qurac iyo reer Qansax oo dalka gees kaas iyo gees kaas ka deggen, waxa aad soo dirsateen wakiillo idin matala; iyaga ayaa idiin joog meesha talada Soomaaliyeed lagu goynaye ku kalsoonaaada, waxa aad rabtaanna, iyaga soo marsada ha hareer ordine," ayuu ka dhawaajiyey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku nuux-nuux-saday in ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta caddaaladda.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagaya xilli xiriirka Madaxtooyadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada waddanka uusan sal fadhiya lahayn iyo iyada oo Puntland iclaamisay "in ay si madax-banaan u macaamileyso".

Nooca federaalka "loo baahan yahay"

Dhanka kale, Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu doonayo in muddo xileedkan u uku meelmariyo nooc federaal oo kala xadeynaya awoodaha.

"Waxaan nahay hal dowlad iyo hal dal. Waxkasta oo si guud u taabanaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Raas-kambooni ilaa Lowya-caddo waxaa masuul ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya dowlad goboleed mas’uul kama aha," ayuu tibaaxay.

Wuxuu raaciyey: "Wixii degaankaas taabanaya dowlad goboleed ayaa ka mas'uul ka ah. Wixii labadaas kasoo hara oo labada dhinac taabanaya wadatashi ayaa laga gelayaa wadaag ayaa la yiraahdaa. Federaalka aan dooneyno waa in uu saas noqdaa"

"Waa in mas’uuliyaddeeda lagula xisaabtamaa cid waliba oo isku dayda in ay Caddaaladda hor istaagto. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa u xilsaaran fulinta Amarada Maxkamadaha haddii aysan imaan baahi weyn oo looga maarmi waayo Ciidamada kale ee dalka," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Bahda caddaaladda ayuu cod dheer waxa uu kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada "taasoo ka qeyb-qaadatay burburka, fowdada iyo qalalaasaha Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

  • Faalada Warka

    17-11-2024

  • 01:31PM

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM